4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Xukuumadda Sudan oo Dhaliishay Go’aankii ay Madaxda Midowga Afirka ka qaateen Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Dowladda Suudaan ayaa muujisay sida ay uga xun tahay go’aankii madaxda ururka Midowga Afrika ay ka qaateen maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, iyadoo ku tilmaantay inuu yahay go’aan jilicsan.

Madaxda Midowga Afirka ayaa kulan ay ku yeesheen shalay oo Sabti ahayd magaalada Addis Ababa ayay ku sheegeen in maxkamadda dambiyada ee ICC aysan u yeeri karin mas’uul Afirkaan ah oo xil haya tan iyo intii uu xilka ka dagayo.

“Go’aankii Midowga Afirka ay ka qaateen maxkamadda caalamiga ah ee ICC ma ahan midkii loo baahnaa, balse tallaabo horay loo qaada,” ayaa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, Cali Karti shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Khartoum ee xarunta dalkaas.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii dowladda Suudaan uga qaybgalay shirkaas ayaa sheegay in madaxdu si aad ah uga doodeen dhaqamada maxkamadda dambiyada, balse aysan si wanaagsan u muujin hadafkooda ku aaddan sidii ay uga bixi lahaayeen.

“Ururka Midowga Afrika waxaan u gudbinay go’aankeenna oo ahaa inay ka laabato maxkamadda amarkii ay ku bixisay in lasoo xiro madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, balse dalabkeenna waxba kama aysan oran madaxda,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa horay amar ugu bixisay in lasoo xiro madaxweynaha dalka Suudaan, iyadoo go’aanka ay Suudaan doonaysay uu ahaa in madaxda Midowga Afirka ay qaataan go’aan cad oo ah in ururku uu joojiyay la shaqeynta maxkamadda, balse taasi ma dhicin.

Go’aankii ay madaxda Midowga Afrika gaareen ayaa ahaa in maxkamaddu aysan u yeeri karin mas’uul Afrikaan ah oo xil haya tan iyo inta uu xilkaas ka dagayo, taasoo madaxda dacwaduhu kaga furan yihiin maxkamadda ay u arkeen in go’aanka ururku uu yahay mid jilicsan.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa lagu eedeeyay inay ugaarsi gaar ah ku hayso madaxda Afirka, iyagoo ku tilmaamay maxkamadda inay tahay mid ay dalalka reer Yurub u adeegsanayaan hab siyaasadeed lagu curyaaminayo dalalka Afrika oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya