4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay saddex wiil oo dhallinyaro ah

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu dhex-toogtay dawaar ay ku lahaayeen xaafadda Carafaat.

Inkastoo aan la ogeyn sababta ay kooxahan hubeysan u toogteen saddexda wiil iyo cidda ay kooxahan ka tirsanaayeen ayaa waxaa dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in dhallinyarada la dilay laga toogtay qaybaha sare ee jirka.

“Tiro ka mid ah dhallinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa dhallinyarada ku toogtay dawaarkooda xilli ay howlo tolliin dhar ah ku jireen, lamana oga sababta loo dilay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka goobjoogayaash ah ee ku sugnaa xaafadda Carrafaat oo uu dilkan ka dhacay.

Laba ka mid ah dhallinyaradan la toogtay ayaa waxay ku dhinteen gudaha dawaarka, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah, inkastoo intii loo sii waday isbitaalka uu geeriyooday, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu xumaa ee toddobadkan ka dhaca degmada Yaaqshiid.

Dableydan weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsaday ka hor intii aysan halkaas gaarin ciidamada nabadsugidda dowladda ayaan ciidamadu ay ka sameeyeen halkaas baaritaanno ay ku raadinayeen kooxihii weerarkan ka geystay dawaarka.

“Arrintan waxay ahayd mid naxdin leh, dadka degmada oo dhan aad ayay u hadal hayaan dilkii xalay dhacay. Dilalkan oo kale way kusoo laa-laabteen degmada,” ayay tiri Raxmo Ismaaciil oo ka mid ah dadka xaafaddaasa ku nool.

Xaafadda Carraat oo ku taalla jidka warshadaha ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan iyo iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya