4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Safiirka Somalia ee UK oo lagu wareejiyay Calankii hore ee Somalia
 
Sarkaal ka socda wasaarada arimaha dibada Britain oo ku wareejinayo Caalankii Soomaaliya danjiraha cusub ee Soomaaliya ufadhiya London Danjire C/laahi Maxamed Cali  (Sanbalolshe)

London(HOL)-Dowlada Engriiska ayaa munaasabada todobaadka Calanka Soomaaliya awgeed waxay maanta dowlada Soomaaliya ku wareejisay calanki safaaradi hore ee Soomaaliya kulahayd London.

Calanka oo meel ay kukeydisay  mudo 22 sano ah  ayaa saraakiil ka socda wasaarada arimaha dibada Britain ku wareejiyeen danjiraha cusub ee Soomaaliya ufadhiya London Amb. C/laahi Maxamed Cali  (Sanbalolshe).

Calanka ayaa laga soo saaray sanduuq quruxbadan waxaana markiba isaga oo isku duuban gacanta laga saaray Danjire C/laahi Maxamed Cali (Sanbalolshe).

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay dowlada Engriiska sida qiimaha leh ay ukeydiyeen Calanka oo ah astaanta umadda Soomaaliyeed,   sida aad ukaraameyseen ee aad meel ugu xanaaneyseen Calankeyga waxay  iimuujineysaa  sharafta aad uhaysan dalkeyga iyo dadkeeyga  ayuu yiri danjiraha C/laahi Maxamed Cali (Sanbalolshe)

12  October 1954 ki ayay ahayd marki ugu horeeysay ee la ogolaaday in la saaro Muqdisho Calanka Soomaaliya kadib marki hogaamiyayaashi halganka gobonimadoonka ay isku raaceen in calanka uu noqdo astaanta qaranka Soomaaliya. maadaama 6 sano kadib ay Soomaaliya xiligaasi u diyaargaroobeysay qaadashada dowladnimada.

Calanka lagu wareejiyay Safiirka Soomaaliya ufadhiya London ayaa waxaa lagu soo beegay munaasabada xuska 59 guuradi ka soo wareegtay marki la saaray  Calanka Soomaaliya.

Ayaanle Xuseen Cabdi
Hiiraan Online London