4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Israsaaseyn geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacday degmada Dharkeynley ee Muqdisho

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku geeriyootay saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen israsaaseyn u dhexeysay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Somalia oo maanta ka dhacday degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Israsaaseyntan oo u dhexeysay askari milateri ah oo isbaaro dhigtay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley iyo ciidammo booliis ah oo kasoo horjeeday isbaaradaas, iyadoo askariga milateriga ah uu dhaawac soo gaaray.

“Dagaal kooban ayaa maanta baqadii ka dhacay xaafadda Tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley, waxaana dagaalku uu u dhexeeyay mid ka mid ah ciidamada milateriga oo isbaaro dhigtay xaafaddaas iyo ciidammo booliis ah oo diidanaa isbaarada,” ayuu yiri goobjooge lagu magacaabo Cali Cumar oo ka mid ah ka mid ah dadka ku nool xaafadda lagu dagaalamay.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay inuu arkay maydka haweeney rayid ah oo rasaastii la is-dhaafsaday ay ku dhacday iyo dhaawaca saddex qof oo kale oo uu ku jiro askarigii isbaarada dhigtay.

Ciidamadii booliiska ahaa ayaa la sheegay in dhaawicii askariga ay iyagu ka qaadeen goobta, waxaana tani ay noqonaysaa falkii ugu horreeyay noociisa oo dhawaanahan ka dhaca degmada Dharkeynley.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley ayaa sheegay in howshan ay qayb ka tahay howlaha looga hortagayo kuwa dhigta isbaarooyinka dadka lagu dhaco wuxuuna xusay in ciidamada booliisku ay ku guuleysteen inay sugaan guud ahaan amniga degmada.

Degmada Dharkeynley ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay yaalleen isbaarooyinkii ugu badnaa, inkastoo sannadkan horraantiisa amar uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya lagu qaaday isbaarooyinkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya