4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqayaa midnimo maanta oo ah maalintii Calanka”

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay maalinta calanka iyo muhiimada ay u leedahay Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa ummada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalintii ugu horreysay oo calanka Soomaaliyeed laga taagay Soomaaliya oo ay ka soo wareegtay 59-sano taasoo ku beegnayd 12-kii Oktoobar 1954-kii. Isagoo xusay in calanku u yahay astaan muujinaysa halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed ay u soo gashay madax-bannaanideeda.

"Maalinta qaaliga ah waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la yimaadaan midnimo, walaalnimo iyo in la eego waxa naga dhexeeya ee aan la eegin waxa na qaybiya oo kaliya. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa inaan kor u eegno calankeenna qurxoon oo aan u wada guntano sidaan ku difaaci lahayn qaranimadeena iyo sharafteena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray in calanku uu yahay kan keliya ee Soomaalida kulmiya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaare Saacid ayaa tilmaamay in hakad dheer ku yimid habsami u socodkii hannaanka dowliga ah iyo horumarkii dalka. Wuxuuna ku sheegay shirkiisa jaraa’id in Soomaalida qarnigan joogta ayka gaabiyeen in ay gutaan waajibka ka saaran qaranka iyo calanka. Isagoo sheegay in 22-kii sano ee lasoo dhaafay uu hoos dhacay.

"Caqabadda ugu weyn ee nagu habsatay, welin na haysta waa qabiilka iyo sida qotada dheer ee uu shacabka Soomaaliyeed u kala qaybiyay. Inkastoo waddaniyiintii u soo halgamay qarannimadeena ay si weyn uga digeen khatarta qabiilka, waxaana hubaal ah in kala qayb-sanaan aanan meelna ku gaarayn, haddana wali ummad ahaan kama aynaan gudbin inaan taageero weyn u hayno qabiilka iyo qabyaaladda," ayuu ra’iisul wasaaruhu ku daray hadalkiisa.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in loo baahan yahay in laga gudubo qolo-qolada si aan qaran xooggan iyo hal qabiil oo qura u noqono. Wuxuuna intaas ku daray in dhamaan laga wada qayb-qaato sidii loo dhisi lahaa Sooomaaliya oo nabad kuwada noolata dariskeeda iyo caalamka oo dhan, sharcigu u taliyo, horumarna hiigsanaysa.

Ugu dambaeyntii wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay inay diiddan yihiin calanka iyo weliba astaanta Soomaaliya isla markaana doonaya inay shacabka madax-farasho ahaan u haystaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya