4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Ururka Midowga Afrika oo ku baaqay in la kordhiyo Tirada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si howgallada loo kordhiyo

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa dalbaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, si dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Westgate Mall loo xoojiyo.

Golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika ayaa dalbaday in lagu krodhiyo ciidamada AMISOM 6,235 askari, taasoo tirada ciidamada AMISOM ka dhigaysa 23,966 askari, iyadoo aan codsigan loo jeedin dalal gaar ah.

Sidoo kale, goluhu wuxuu Qaramada Midoobay ka dalbaday in la kordhiyo xilliga howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, si ay u sii wadaan howlgalkooda lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay intooda badan ka socdaan dalalka Uganda, Burundi iyo Kenya, waxaana sidoo kale ku sugan ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo si iskood ah u howlgala.

Weerarkii Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay 67-qof, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaas ay sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ka socda.

“Al-shabaab waxay noqotay koox cadow u ah dallaka gobolka oo dhan, waa in tallaabo looga hortagayo la qaato,” ayuu goluhu ku yiri  warbixin uu soo saaray maanta oo Sabti ah.

Toddobaadkan ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn uu caalamka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii loo jabin lahaa awoodda Al-shabaab , isagoo sheegay inay jirto baahi weyn oo dhinaca ciidamada ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya