4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab ka hor intii uusan u dhoofin Addis Ababa

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo difaaca ayaa u ambabaxay maanta magaalada Addis Ababa, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay intii uusan dhoofin in la xoojiyo dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Magaalada Addis Ababa ayaa wuxuu madaxweynaha iyo wafdigiisu kaga qaybgalayaan in shirar aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda Midowga Afrika iyo IGAD. Waxaana shirka Midowga Afrika looga hadli doonaa maxakamadda danbiyada caalamiga ah ee ICC. Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb-geli doonaa shir madaxda dalalka ku bahoobay IGAD ay yeelanayaan, kaasoo looga hadli doono amniga iyo falkii foosha xumaa ee ka dhacay goobta ganacsi ee Westgate Mall.

“Soomaaliya waxey dagaal kula jirtay muddo sannado ah argagixiso, waana inaan hadda sii labo jibaarnaa howlgaladda lagula jiro. Waa inaan u diidna in ay helaan dhul ay ku tababartaan ama ay ka soo maleegaan qorshayaasha argagaxiso, waana inaan hubsaanaa in howlgaladda ciidamada ay bar-bar socdaan midka saxaafadda iyo wacyi-gelinta,” ayuu ku yiri madaxweynuhu hadal uu jeediyay intii uusan maanta dhoofin.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Al-shabaab ay la mid tahay Kansar in la daweeyo u baahan, isagoo xusay inuu caalamka weydiisanayo in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu sheegay in awood ahaan ay hoos u dhaceen.

“Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Westgate Mall wuxuu ahaa mid qaab siyaasadeysan loo sameeyay, kaasoo ahaa in la yiraahdo Al-shabaab way ka xoog badan tahay sidii hore, balse taasi ma ahan mid sax ah. Al-shabaab way ka tabar yar-yihiin sidii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo tusaale u soo qaatay dhulkii ay Al-shabaab xukumaysay sannadkii 2011 iyo dhulka ay hadda gacanta ku hayso.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia wuxuu ka hadlay weerarkii ay horraantii toddobadkan ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka degmada Baraawe oo ay ka taliso Al-shabaab, isagoo sheegay inuu qayb ka yahay iskaashiga lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka dhexeeya dowladda iyo beesha calaamka.

“In Al-shabaab lagula dagaalamo ciidan ahaa waa mid muhiim ah, laakiinse waxaa ka muhiimsan in laga shaqeeyo sidii fikirkooda lagu tirtiri lahaa, sidoo kalena looga celin lahaa dhallinyarada da’yar ee u dagaalama, taasina waa hab ka mid ah hababka looga guuleysan karo fikradaha Al-shabaab oo ah kuwo ku dhisan rabshado,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in waxbarashada, horumarka, warbaahin iyo taageero calaamka ay yihiin kuwa keliya ee Al-shabaab looga adkaan karo, isagoo intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay karaahsadeen ficilada  Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya