4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Markab Ganacsi oo badbaadiyay Tahriibayaal Soomaali u badan oo doomihii waday ay dul-sabbeynayeen badda Mediterranean-ka

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Markab ganacsi ayaa badbaadiyay dad tahriibayaal ah oo u badan Soomaali, kuwaasoo la socday laba doomood oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay doomihii siday dul sabbeynayeen biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya.

Ciidamada badda Talyaaniga ayaa waxay sheegay Khamiistii shalay ahayd in tahriibayaashu ay u soo direen farriin ay ku dalbanayaan in la badbaadiyo, balse aysan awood u lahayn ciidamadooda inay u tallaabaan dhinaca biyaha Liibiya oo ay doomuhu ku jireen.

Maanta ayaa markabkan ganacsi wuxuu soo badbaadiyay dhammaan dadkii tahriibayaasha ahaa ee la socday doomahan, isagoo u qaaday dhinaca dalka Talyaaniga, halkaasoo ahayd meeshii ay ku socdeen.

Doomahan ayaa la sheegay inay mid ka mid ah la socdeen 109 qof halka ay midda kalena la socdeen 101 qof, kuwaasoo ay ku jireen haween iyo caruur aad u da’yar, waxaana markabka ganacsi uu ku wareejinayaa ciidamada badda Talyaaniga.

Tahriibayaashan ayaa dhammaadkood ka badbaaday musiibo ku qabsata badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya oo toddobaadkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen 300 qof oo tahriibayaal ah, kuwaasoo u badnaa Eriteriyaan.

Muhaajiriintan la badbaadiyay ayaa waxay isugu jireen Soomaali iyo Eriteriyaan, waxayna saddex maalmood ka hor kasoo ambabaxeen xeebaha dalka Talyaaniga, iyagoo tan iyo xilligaas ku jiray biyaha u dhexeeya labada dal.

Haween qaarkood ay uur leeyihiin iyo caruur aad u da’yar ayaa dadkan laga badbaadiyay biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya ku jiray, iyadoo tani ay sii kicinayso walaaca ay dunidu ka qabto qulqulka qoxootiga Afrikaanka ah ee ku socda Yurub.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa sannad walba gaara kumannaan kun oo qof oo qoxooti ah, kuwaasoo u badan Afrikaan, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay ku soo kordhayeen tahriibayaasha kuwo u dhashay dalalka Masar iyo Suuriya oo ay xiisado iyo dagaallo ka jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya