4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo si Weyn ugu soo Hor-jeestay Dhismaha Maamul lagu Magacaabo Gal-Hiiraan


Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Kaddib shir jaraa'id oo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo uu maanta ku qabtay magaalada Baladweyne ayuu ku sheegay inuu kasoo horjeedo kulamo shirar maalmihii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay la doonayo in lagu dhiso maamul lagu magacaabo Gal-Hiiraan.

“Sida aad ka war-qabtaan gobolka Hiiraan waa gobol qadiimi ah oo ka mid ah sideedii gobol ee lagu aas-aasay Soomaaliya, waa jirta dowladda federaal ah, waa jira dastuur lagu hishiiyay, waxaa jirta xukuumada iyo baarlamanka, iyo hay'addihii sharciga ee dowladda, sidaa daraadeed shirkan jaraa'id waxaan rabnaa in aan ku cadeyno in wax laga xumaado ay tahay dad ku shiray magaalada Muqdisho in ay sheegaan dhismaha maamul lagu magacaabo Gal-Hiiraan, waxaan rabaa in aan si cad halka uga sheego ma jiro maamul lagu magacaabo Gal-Hiiraan, gobolka Hiiraan waa gobol madaxbanaan, siyaasad ahaa iyo dhul ahaan intaba, sidaa daraadeed annniga oo ku hadllaya afka maamulka gobolka waxaa leeyahay ma jiro maamul lagu magacaabo Gal-Hiiraan oo aan aqoosannahay ama aqoonsan doono dhismihiisa.'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Waxaa uu sheegay in dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya uu dhigayo in labo gobol kasta oo ku hishiisa in ay is raacaan sameysan karaan dowlad gobolleed, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha in shaqsiyaad aan dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaa gobolka matalin sheegaan in ay sameynayaan maamul lagu magacaabo Gal-Hiiraan.

''Marka waqtigeeda la gaarayo ayaa leenahay waa in ay arinta isaga yimaadaan bulshada reer Hiiraan, iyaga oo go'aan arintaa ka qaadanaya haddii ay la midoobayaan gobollo kale ama iskood isku taagayaan, inta ka horeysan wax kasta oo meelaha laga sheeg-sheego annaga waxaa u aragnaa wax leyska yiri oo aan sharciyad heysan,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Mar uu ka jawaabayay guddoomiyaha sida uu u arko dhismaha maamul guud oo ay ku mideysan yihiin gobollada bartamaha Soomaaliya arintaa oo lagu soo qaaday shir bartmihii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay isla soo qaban-qaabiyeen wasaarrada arrimaha gudaha iyo hay'adda CRD waxaa uu yiri''' Marka hore eraygan ah gobollada dhexe waa mid Iska Joqoraafi ah, laakiin annaga siyaasad ahaa wax lagu magacaabo gobollada dhexe oo aan aqoosannahay ma jiro, kaliya waxaan og-nahay in ay jiraan gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellada sare, Hiiraan, Galguduud Mudug, sidaa daraadeed gobolladii ku hishiiya in ay maamul ay ku mideysan yihiin sameystaan waa arrin gaar ah, laakiin waxaan leenahay ma aqbaleyno in wax aan sharci aheyn laga wada hadllo, Hiiraan Waa Hiiraan cid ay Af kula midoobeysana ma jirto, anniga ayaana hadda ku hadllaya magaca gobolka Hiiraan,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Shirka jaraa'id ee guddoomiyaha uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka soconayeen shirar sida la sheegay lagu mideynayo gobollada bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha maamul la baxay Gal-Hiiraan, waxaana uu ugu baaqay shaqsiyaadka howshaa ku lugta leh in ay ka joogsadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya