4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Doomo ay la Socdaan Tahriibayaal Soomaali u badan oo kusii dhawaanaya Xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Doomo ay saaran yihiin in ka badan 200 oo ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhawaaday xeebaha Talyaaniga, sida ay sheegeen ciidmada badda Talyaaniga. iyadoo la sheegayo in doomahan oo labada ay weli ku jiraan biyaha dalka Liibiya.

Aadan Sabriye oo u warrama BBC-da ayaa sheegay in lagu wargeliyay in tahriibayaasha doomahan la socda ay 120-qof oo ka mid ah yihiin Soomaali ah ayna ku jiraan 30 haween iyo 20 carruur ah.

Wariyaha ayaa sheegay in dadka doonidan la socda ay dhibaato xooggan ku haysato doonyaha dushooda, ayna badda ku jiraan maalintii saddexaad tan iyo markii ay kasoo ambabaxeen xeebaha dalka Liibiya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in 100 qof oo ka mid ah dadka doomaha saaran ay u dhasheen dalka Eriteriya, kuwaasoo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyadoo laga baqdin qabo in doomahan ay ku dagaan badda.

Tahriibayaasha doomahan la socda ayaa waxay billaabeen inay codsadaan in gacan la siiyo si ay uga badbaadaan inay badda ku dhacaan, balse ciidanka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan u tallaabi karin xeebaha Liibiya, iyagoo sugaya inay kasoo tallaabaan.

Arritan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada badda Talyaaniga ayaa soo gabgabeeyay howl ay badda kaga soo saareen maydadka 300 oo qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaasoo khamiistii lasoo dhaafay dooni kula dagtay xeebaha jasiiradda Lambaduse kaddib markii uu dab qabasday.

Sideeddii bilood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in tahriibayaal gaaraya 2013, 21,241 ay gaareen xeebaha Talyaaniga, iyadoo sannadkii hore 2012 ay iyaguna gaareen xeebaha Talyaaniga tahriibayaal tiradoodu tahay 15,570 sida lagu baahiyeen warbixin lasoo saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya