4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland oo sheegay inuu is-bedelay sidii uu u hadli jiray Wakhtigii uu Mucaaradka ku ahaa Xukuumadda

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa markii ugu horeysay sheegay in inta aanu sanadkani dhamaanuu dalka ka hirgalin doono Boos ay yeelato Somaliland.

Sidoo kale wasiir Abgaal ayaa xusay inuu cashuurihii ku waajibay shirkadaha isgaadhsiinta ka qaadi doonno, isla markaana soo iibin doono qalab lagu oogaado inta jeer ee dibaddda laga soo garaacay iyo gudahaba si shirkadaha u bixiyaan cashuurtii xaqa loogu lahaa oo uu sheegay inay ku baaqato.

Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal oo hore u ahaa siyaasi aad u dhaliili jiray xukuumadan, isla markaana soo bandhigi jiray ceebaha ay leedahay xukuumaddu, ayaa sheegay in dhaliilihii uu wakhtigi mucaaradka ahaa sheegi jiray uu imika si ka duwan qaabkii uu u hadli jiray u saxayo, isla markaana uu ka mid yahay golihii fulinta oo aanu dhaliileen balse uu toosinayo, maadaama oo uu wixii dhaliil ah ee xukuumaddu yeelato uu la yeelanayo.

“Waxaan dhagaha dadka si mugleh u maqashiinayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan in wixii waajibka dalku ugu lahaa ka qaadayno (shirkadaha isgaadhsiinta), iyagay dantooda tahay oo inaga ayey dantahay waxaana ku dhamaaynaysa si aan khilaaf ku jirin anagoo xisaabtan dhab ah oo dalku xaq ugu lahaa ka qaadayno”ayuu yidhi wasiir Abgaal oo ka hadlaya cashuurta uu ka qaadi doono shirkadaha Isgaadhsiinta..

“Afar iyo labaatan sanno ka bacdi wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiintu waxay dhaqaajinaysaa Boostii loo baahnaa inta aanay dhamaan sanadkan aan ku jirno ayey shaqayn doontaa Boos ay Somaliland leedahay”ayuu wasiirku ugu bushaareeyey shacabka Somaliland.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo HOL waydiisey inay wax iska bedeleen dhaliilihi markii uu mucaaradka ahaa sheegi jiray iyo faraqa u dhexeeya markii uu dibadda jooga iyo imika oo uu xukuumadad ka mid yahay, waxaanu wasiirku arrintaasi kaga jawaabay “ In la is dhaliilo mucaarad iyo muxaafad dimuqraadiyada dalkeenna fasaxaysa, macnaheeddu maaha qofku haddii uu wax mucaarado xaq dalka umalaha inuu shaqeeyo iyo inuu masuuliyad qabto maaha, maalintaan soo galayna dunida oo dhan baa nimcoobay oo aniga ka dhinnaa maaha, haddii ay dhaliili jirtay qaabkii aan u sheegi jiray ayaa ka duwan ta aan maanta rabo in aan u sheego, waxaan awal hore soo marin jiray saxaafadda, laakiin maanta dhaliil ma noqonayso ee waxay noqonaysaa toosin oo shaqadaadii ayey noqotay oo waxaad ka mid tahay golihii fulinta”ayuu yidhi

“Waxaa aniga talo-galkaygu yahay waan ka qaadayaa haddii la I eryo iyo hadii aan shaqo waayo, macno badan oo ay leedahay malaha , mana filayo shaqo la qabtay in la isku eryeyo,wanaagu hadii uu soo kordho xukuumadu usoo kordhay oo ana xukumadan ka mid ahay”ayuu yidhi wasiirku mar wax laga waydiiyey inay cashuurtaasi uu ka qaadayo shirkadaha ay galaafato oo uu xilkiisa ku waayo.

“Anigu nin reer Awdal baan ahay oo in badan ka hadli jiray waar meeshaasi tabasho jirta, laakiin hadii la I waydiiyo waxa Awdal ka dhiman number go’an ma sheegi karo oo ma odhan karo waa laba iyo waa saddex, dalkeena oo dhan bay ka jirta beel hebel waxaygii  ma haysato hadii aad waydiiso imisa idinka maqan ma sheegi karaan, laakiin haddii tabasho kasta wax laga hagaajiyo oo la xaliyo dalkeena ayey dan u tahay, waan qabaa inay halkaasi tabasho jirto  ilaa maantana waan qabaa, horana waxaan idinku sheegay qaabkii aan wax u gudbin jiray ayaa is bedelaya”ayuu kaga jawaabay wasiirku mar la waydiiyey tabashooyinkii odayaasha Awdal ay usoo fareen madaxweynaha inuu gaadhsiiyey iyo in kale, waxaanu intaas ku daray “marka tabasho la xalilo dhibaato jirta ayaa la xaliyey,laakiin qaabkii baa isbedelaya oo xukumadii ayuu ninkii ka mid noqday oo wuu iska aamusay maaha, laakiin dhegtii baa inoo soo dhowaatay oo aan leeyahay madaxweyne taas iyo taas inaga hagaaji, halka aan markii hore jaraa’idka u marin jiray,waana ku rajo weynahay in wixii dhib ah ee jira ee wasaaradayda iyo wasaaradaha kale iyo dalkaba ka jira aan gudbiyo oo aynu xalino”.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa saddex bilood ka hor loo magacaabay xilkan, isagoo markii horana ka tirsanaa siyaasiyiinta mucaaradka ahaa ee sida adag u dhaliili jiray madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 

Hargeysa, Somaliland