4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Qarax khasaare geystay oo Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda lagu eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Qarax geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa gellinkii dambe ee maanta waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo kooxihii weerarkaas geystay ay baxsadeen.

Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaas qof kale oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliyana waxaa kasoo gaaray dhaawac sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

“Waxaa qaraxan uu ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha gaar ahaan geedo-Qorow meel lagu magacaabo, waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ah hal askarina wuu ku dhaawacmay,” ayuu yiri Cabdi Maxamed Ayaanle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sarkaalku ma uusan sheegin askariga magaciisa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa magaca askariga dhaawacmay kusoo koobay Gacmey, kaasoo ka mid ahaa ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada Huriwaa.

“Kooxihii weerarka geystay way baxsadeen; balse waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo,” ayuu Ayaanle hadalkiisa ku daray, isagoo dusha ka saaray weerarkan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Weerarkan oo ahaa mid miino ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa weerarro soo laalaabtay oo dhawaanahan ka dhacayay degmada Huriwaa, taasoo ka mid ah degmooyinka ka tirsan Muqdisho ee la sheego inay ku sugan yihiin kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qarax miino lagula eegtay degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo halkaas marayay, waxaana howlgallo la sameeyay lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo intooda badan lasii daayay.

Al-shabaab ayaan ka hadlin weerarkan khasaaraha geystay ee maanta lala eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha.

Haya’daha ammaanka dowladda ayaa waxay inta badan sheegaan inay ka hortagaan weeraro ay kooxaha kasoo horjeeda ay doonayeen inay ka geystaan Muqdisho, iyadoo ay dhanaka kale jiraan falal amni-darro oo si joogo ah uga dhaca qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya