4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo Al-shabaab kala Wareegay Maanta Deegaanka Qansax-Oomane ee Gobolka Bay

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya ee ku sugan degmada degmada Bardaale ayaa Maanta la wareegay deegaanka Qansax-Oomane oo 24-km u jira degmada Bardaale, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogagga Alshabaab.

Dagaal weyn oo khasaare badan geystay ayaa ka dhacay deegaankaas oo ay weerareen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le’eg yahay.

Goobtaas lagu dagaalamay waxay ahayd deegaan saldhig ah oo ay joogeen Al-shabaab, waxayna u dhaxeysaa deegaanka Yurkud iyo Berdaale, iyadoo la sheegay in xoogaggii Al-shabaab ee deegaankaas laga saaray inay ku sugan yihiin hadda dhul howd ah oo ku dhow.

Warar kale aya waxay sheegeeyaan in meel u dhow Yurkud ay Al-shabaab ku gowraceen nin jaadka ka ganacsada, kaasoo laga dagay gaari uu saarnaa isla goobtaasna lagu gowracay.

Jidka u dhaxeeya deegaanka Yurkud iyo Berdaale ayaa aad iyo aad khatar u ah, waayo waa goob ay isku hor-fadhiyaan ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmara gobolkaas, iyadoo dagaal saakay dhacay looga adkaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo