4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Dalka Liibiya oo la sii daayay kaddib saacado ay afduub ahaan u haysteen kooxo hubeysan

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya ayaa lasii daayay, kaddib markii kooxo hubeysan ay saakay aroortii kala baxeen hoteel uu ka degenaa magaalada Tripoli ee xarunta dalkaas.

Cali Zeydan ayaa waxaa saakay hoteel uu deggenaa kala baxay dabley aad u hubeysan, kuwaasoo gacanta ku haya muddo saacado ah, iyagoo markii dambe sii dayay, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Liibiya.

Kooxdan afduubka geystay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay qabsadeen markii ay heleen amar lagu soo xirayo oo uu bixiyay mas’uul ka tirsan dacwad-oogayaasha dalkaas.

Wasiirka cadaaladda Liibiya ayaa iska fogeeyay inuu isagu bixiya amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegay in ra’iisul waasaruhu uu hadda caafimaad qabo oo uu ku sugan yahay hoteelkii saakay lagala baxay.

Illaa hadda si dhab ah uma cadda sababta keentay in ra’iisul wasaaraha KMG ah ee Liibiya ay afduubaan kooxdan hubeysan oo sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda kacaanka dalka Liibiya.

Dalka Liibiya ayaa wuxuu tan iyo markii la riday dowladdi uu horkacayay Col. Qadaafi ka jiray muran dhinaca siyaasadda ah, iyadoo ay dalkaas ka abuurmeen kooxo hubeysan oo qaybo dalka ka mid ah haysta.

Ra’iisul wasaare Zeydan ayaan weli ka hadlin afduubkiisa iyo sii dayntiisa, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii ugu sarreeyay dalkaas oo la afduubo tan iyo markii la dhisay dowladda KMG ah ee dalka Liibiya xukunta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya