4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo bartay Muusigada oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho lana Guddoonsiiyay Shahaadooyin (SAWIRRO)



Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Hay’adaha CRD iyo DAN GUUD oo hoos-tagta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho ugu soo gabagabeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed tababar dhinaca muusiga ah, kaasoo noqonaya tababarkii ugu horreeyay muddo 30-sano ah la siiyo dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dhallinyarada tababarkan ku guuleysatay ay isugu jireen wiilal iyo gabdho.

Xafladda xiritaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adahan, madaxda tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, afhayeenka guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda qaar ka mid ah kooxaha fanka Soomaaliyeed sida kooxaha Waaberi iyo Horseed.

Dhallinyarada tababarkan dhammeystay ayaa waxay kulanka kusoo bandhigeen habka loo garaaco muusiga oo ay ku barteen qaab qoraal ahaan ah, iyadoo habka qoraalka muusiga uu ahaa mid aad u adag marka la eego luuqadda uu ku qoran yahay.

“Hay’aaddan mahadcelinayaa ayaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradan muusiga la baray, waayo waxay kusoo aadeen xilli aad u wanaagsan oo ay dadkii muusiga yaqaannay qaarkood intii lagu jiray burburka ay dhinteen halka kuwii kalena ay gaboobeen,” ayuu yiri maareeyaha tiyaatarka Muqdisho C/dhuux Yuusuf oo kulanka hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay.

Maareeyaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dhallinyarada da’yar ee bartay muusiga, isagoo sheegay in howshan ay ahayd mid laga doonayay inay dowladdu qabato, balse ay soo baxeen hay’ado isku xil-qaamay inay dib u soo nooleeyaan fanka Soomaaliyeed oo waayadii burburka ay tabar la’aan ku dhacday.

“Fanka waa isku xiraha bulshada iyo dowladda, sidaa awgeed waxaan kula dardaarmayaa madaxda dowladdu inay xil iska saarto kobcintiisa,” ayuu ku daray hadalkiisa abwaan C/dhuux oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dhallinta fanka baratay.

Mar uu dhallinyarada la dardamarmay inay sii wadaan barashada muusiga, wuxuuna hay’adda CRD weydiistay inay qalab ay tababar ku qaataan u soo iibiso sidii ay ugu iibisay qalab kooxaha fanka Soomaaliyeed qaarkood.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo isagun hadal kooban ka jeediya xafladda xirtaanka tababarkan oo soo socday muddo lix bilood iyo bar ah ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dhallinyaradii tababarkan loo bilaabay ay dhameystaan, kuwaasoo tiradoodu ahayd 22-ruux.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay Abwaan Cabdi Shire Jaamac oo xusay in fanku uu yahay midka keliya ee shacabka Soomaaliyeed ay wax ku fahmi karaan uuna ku faraxsan yahay inuu kaga qaybgalo Muqdisho tababarkan.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii tababarka dhameystay ayaa waxaa halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin markhaati ka noqonaya tababarkii ay qaateen ee dhinaca muusiga, waxaana intii ay xafladdu socotay halkaas ku soo bandhigay heeso kala duwan fannaaniin Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/10/2013 12:28 PM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Qarax geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa gellinkii dambe ee maanta waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo kooxihii weerarkaas geystay ay baxsadeen.

10/10/2013 10:58 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kadib kulamo ay maalmihii la soo dhaafay la lahayd hay'adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beello wada dega gobolka Hiiraan oo in mudo ah khilaaf uu ka dhaxeeyay,ayaa markii ugu horeysay waxaa ay beellahaasi gaareen hishiis hor dhac ah oo la doonayo lagu soo afjaro khilaafka mudaba soo jiitamayay.

10/10/2013 10:22 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya ee ku sugan degmada degmada Bardaale ayaa Maanta la wareegay deegaanka Qansax-Oomane oo 24-km u jira degmada Bardaale, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogagga Alshabaab.

10/10/2013 9:10 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Hay’adda Bisha Case ee Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in lacag gaaraysa 350,000 oo doollar oo gargaar ahaan ugu socotay Soomaaliya ay haystaan ciidamada Kenay.

10/10/2013 9:02 AM EST
Khamiis, October 10, 2013(HOL) :- Iyadoo dhawaan la filayo in magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dhacdo doorashada maamulka gobolka Hiiraan taasoo ay qabanqaabadiisu imika socoto ayaa waxaa isu soo taagay xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Injineer C/casiis Axmed oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee dalka Switzerland.

10/10/2013 8:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya ayaa lasii daayay, kaddib markii kooxo hubeysan ay saakay aroortii kala baxeen hoteel uu ka degenaa magaalada Tripoli ee xarunta dalkaas.

10/10/2013 7:49 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirradu maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kusoo dhaweeyeen duqeyntii uu ciidammo ka tirsan kuwa Mareykanku ka fuliyeen horraantii toddobaadkan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/10/2013 7:29 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay dhibaatada nolosheed ka dhalan karta xayiraadda uu bangiga Barclays ee dalka Britain uu kusoo rogay xawaaladaha Soomaalida.

10/10/2013 7:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Al-Shabaab ayaa sheegtay inaan laga dhoofin karin dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, iyadoo uga digtay ganacsatada dhuxusha inay dhuxul ka dhoofiyaan dekedda Kismaayo.

10/10/2013 7:05 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weeraray tuulo la yiraahdo Ceeldhuun-Adeegow oo 45-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, deegaankaas oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab waxaana marta waddo oo xiriirisa Waajid iyo Baydhabo.

10/10/2013 2:04 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay hoteel uu deggenaa ka afduubay ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya, Cali Zeydan iyadoo afduubku uu ku dhacay si nabadgalyo ah.