4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Kooxo hubeysan oo saaka Ra’iisul Wasaaraha KMG ee Liibiya ka Af-duubtay Hoteel uu ka deggenaa Magaalada Tripoli

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay hoteel uu deggenaa ka afduubay ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya, Cali Zeydan iyadoo afduubku uu ku dhacay si nabadgalyo ah.

Dableydan afduubka geystay ayaa sheegay inay yihiin koox u dagaalamaysa kacaanka dalka Liibiya. Iyadoo ilaalada hoteelka laga afduubku ka dhacay oo lagu magaabo, Corinthia Hotel ayaa sheegay inaysan wax iska-horimaad ah uusan dhicin intii howsha afduubka ah ay socotay.

“Madaxii xukuumadda Liibiya saakay aroortii ayaa laga afduubay hoteel uu ka deggenaa magaalada Tripoli, waxaana afduubkiisa geystay koox dabley ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Liibiya.

Xukuumadda Liibiya ma sheegin halka ay kooxaha hubeysan la aadeen Cali Zandan, waxaana afduubkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo mas’uul leh darajadan oo kale loogu geysto Liibiya, tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Mucamar Al-Qadaafi.

Ra’iisul wasaaraha la afduubay ayaa dhawaan beesha caalamka ka dalbaday in gacan laga siiyo xukuumaddiisa sidii hubka looga dhigi lahaa kooxo uu ku sheegay inay hub ku dhex-sitaan gudaha caasimadda dalkaas.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Liibiya oo laga joogo laba sano ayaa waxaa dalka Liibiya ka unkumayay kooxo dabley ah oo qayb ka mid ah dalkaas gacanta ku haya.

Afduubkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidammo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen billowgii toddobaadkan guri ku yaalla magaalada Tripoli, halkaasoo ay ku qabteen Abuu-Anas Al-Liibi oo ku eedeysan qaraxyadii ka dhacay 1998-kii safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalalka Kenya iyo Tanzania.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya