4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Kooxda kubadda cagta ee Heegan oo ku guuleysatay ciyaartii furitaanka ee Horyaalka Heerka Koowaad ee Somalia (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Kooxda Heegan ayaa saddex gool kaga guuleysatay kooxda kubadda cagta ee Dekedaha oo ay isaga horyimaadeen galabta ciyaartii furitaanka ee horyaalka heerka koowaad ee kooxaha kubadda cagta dalkeenna.

Ciyaartan oo ay daawanayeen boqolaal qof oo dhallinyaro isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay labada kooxood ku billaabeen weerar iyo weerar celis, iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta ay kooxda heegan ay ku hoggaaminaysay 2-0, balse markii qaybga labaad ee ciyaarta la isugu soo laabtay ayaa kooxda Dekedaha waxay bareejeystay ciyaarta.

Intaas kaddib labada kooxood  waxay lasoo baxeen ciyaar wanaag ay aad u jeclaysteen dadweynihii kasoo qaybgalay, balse nasiib-wanaag waxaa goolkii saddexaad dhaliyay kooxda Heegan.

Kooxda Heegan ayaa waxay halkaas ku heshay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay horyaalka, iyadoo labada maalin ee soo aaddan ay nasanayaan kooxaha, waxaana ciyaartan midda xigta ay dhici doontaa maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Taageerayaasha labada kooxood ayaa ka hadlay sidii ay u arkayeen ciyaartii galabta dhexmartay labada kooxood, iyagoo sheegay inay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar-wanaag, balse ay koox ka mid ah ay guusha raaci lahayd, iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan guusha kooxda Heegan.

Koobka ayaa waxaa ku tartami doona 15-kooxood oo heerka koowaad loo xushay, iyadoo kooxaha ay gabi ahaan is arki doonaan ayna guushu raaci doonto kooxdii ugu dhibco badnaata.

Dhanka kale, dadweynihii kasoo qaybgalay ciyaarta ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu farxeen in ciyaaraha horyaalka dalkeenna ay ka dhacaan garoon lagu goglay cowska la farsameeyo, iyagoo arintan ku tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka ay ku socoto Soomaaliya.








Sawirrada: Siciid Ibraahim Xuseen (Buuna)

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya