4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Mid ka mid ah shaqaalaha hay’adda Maxaliga ah ee KANAVA oo Maanta lagu Toogtay Bartamaha Magaalada Baydhabo

Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah ciidamada madaniga ah ee magaalada Baydhabo ayaa maanta toogasho ku dilay Macallin ibraahim Madoobe oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda maxalliga ah ee KANAVA, iyadoo la  qabtay ruuxii falka dilka ah geystay.

Lama oga sababta keentay in ruuxan ka tiran ciidamada madaniga ah oo ka shaqeeya ammaanka magaalada inuu toogto Macallin Ibraahim, iyadoo uu dilkan buuq weyn ka dhaliyay gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa wuxuu haatan ku xiran yahay xabsiga Baydhabo, iyadoo saraakiisha booliisku ay sheegeen in sharciga la horkeeni doono, waxaana maydka marxuumka la toogtay isla maanta lagu aasay Baydhabo.

Hay’adda KANAVA ayaa waxay magaalada Baydhabo ka waddaa mashruuc shaqooyin loogu abuurayo dadka aan shaqeyn, waxay mashruucan oo ah mid shaqo lacag ku badalaho ah ay hay’addu ka waddaa sideed xaafadood oo ka tirsan Baydhabo.

Tiro ka badan kun iyo lix boqol oo qof (1600) ayaa mashruucan shaqooyinka lagu abuurayo ka faa’iideysanaya, iyadoo marshruucan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo hay’addan ay ka fuliso magaalada.

Sidoo kale, hay’ado badan oo hawlahaas oo mashaariicdaas oo kale fulinaya ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, inkastoo meelo ka baxsan magaalada aan laga shaqeyn karin, maadaama ay waddooyinka ka baxa Baydhabo iyo kuwa soo gala ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo