4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Xubnaha u Taagan xilka Madaxnimo ee Puntland oo sii Kordhaya iyo Siyaasi Maanta ku Dhawaaqay Murashaxnimadii (SAWIRRO)


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Xilli dhawaan lugu wado in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa sii kordhaya murashaxiinta xilka isku soo taagaya, iyadoo siyaasiga Cali C/qaadir Yusuf uu maanta kaga dhawaaqay Gaalkacyo murashaxnimadiisa.

Munaasabaddii uu siyaasigan kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa oo ay ka soo qaybgaleen dhinacyada bulshada ayuu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshayaashiisa maamul ee Puntland haddii uu doorashada kusoo baxo.

“Waxaan maanta halkan ka caddeymayaa inaan ahay murashax u taagan in uu ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee Puntland. Waxaan ahay ruux u dhashay Puntland. Sababta keentay inaan xilkaan isku taagana waxay tahay in Puntland aan ka saaro xaaladda ay hadda ku sugan tahay,” ayuu yiri Cali C/qaadir.

Siyaasigan wuxuu sheegay in Puntland ay maanta in dhibaatooyin badan ay ka jiraan Puntland, kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha oo uu sheegay inuu yahay mid u muuqda inuu hoos u sii socdo, midnimadii dadka, gobollada Puntlandna ay yihiin kuwo kala dhantaalan iyo horumar la’aanta ka jirta dhinaca arrimaha bulshada.

“Haddaba si amni, midnimo iyo horumar ay u gaarto Puntland waxaa loo baahan yahay  hoggaamiye leh shuruudaha ay ka mid yihiin: aqoon maamul dawladeed. Inuu yahay caadil. Inuu bulshada dhexdeeda sumcad wanaagsan ku leeyahay. Inuu yahay qof midnimada dadka reer Puntland iyo qaybaha kale ee dalka ka shaqeeya. Inuu yahay mid aamin ah oo aan looga baqayn inuu ku takri-falo hantida dadka ka dhexeysa iyo inuu door muhiim ah ka qaadan karo taabo-galinta Qarannimada Soomaaliya, aqoon gaar ahna u leh xallinta khilaafaadka dadweynaha,” ayuu khudbadiisa ku yiri murashaxa Cali C/aadir.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay inuu isagu yahah ruux ka soo bixi kara dhammaan arrimahan. Isagoo sheegay haddii uu xilka kusoo baxo uu horumarka Puntland ka shaqeyn doono isagoo kaashanaya Alle iyo shacabka Puntland.

“Haddii aan kusoo baxo xilka madaxnimo ee Puntland waxaa ka shaqeyn doonaa; midnimada dadka & dalka. Ammaanka oo fure u ah nolosha inteeda kale. Horumarinta dhaqaalaha Puntland, anigoo la imaan doona siyaasad soo jiidan karta maal-galin wax ku ool ah: tusaale ahaan, waxaan leennahay bad dheer oo kheyraad badani uu ka buuxo sidii looga faa’iidayn lahaa baan ku dadaalayaa,” ayuu siyaasigan hadalkiisa raaciyay.

Murashaxu wuxuu sheegay in mar walba uu talada la wadaagi doono dadka Puntland; tusaale ahaan waxaan wadatashi dhow la yeelan doonaa buu yiri isimada, nabaddoonada, odoyaasha dhaqanka, qurbo-joogta, aqoonyahanka iyo dhammaan indheer-garadka Puntland.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu abuuri doono horumar xagga arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo waliba shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada si looga baajiyo tahriibka IWM.

“Waxyaabaha kale ee ii qorsheysan inaan wax ka qabto waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha, jidadka, dekedaha iyo wixii la mid ah, ayuu hadalkiisa ku daray. “Waxaan ku dadaali doonaan inaan dhaqan-geliyo xisbiyo siyaasadeed si shacabku ay mas’uulkii ay doonayaan inuu hoggaamiyo u soo dooran lahaayeen.”

Cali C/qaadir Yuusuf wuxuu sheegay inuusan jirin murashax uu xiriir gaar ah la leeyahay, haddii aan doorashada kusoo baxo ayuu yiri kulligood waxaan ka doonayaa talo iyo wadashaqayn joogto ah.

Ugu dambeyn, murashaxu wuxuu xusay inuu dadka Puntland weydiisanayo taageero dhinac walba ah, isagoo hadalkiisa kusoo gabgabeeyay inuu gabi ahaantood si weyn uga rajeynayo inay codkooda siiyaan.




Hiiraan Online, Gaalkacyo