4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Horyaalka Heerka Koowaad ee Kooxaha Kubadda Cagta Somalia oo gellinka dambe ee Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Horyaalka heerka koowaad ee kooxaha kubadda cagta dalkeenna Soomaaliya ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta Jimco ah uu ka furmo garoonka kubadda cagta Banaadir Stadium oo sannadkan dib u habeyn lagu sameeyay.

Kooxaha foodda isku dari doona ciyaarta koowaad ee horyaalka dalkeenna ayaa waxay kala yihiin: naadiga heegan oo kaalinta labaad ka galay horyaalkii dalkeenna ee sannadkii hore la ciyaaray iyo naadiga Gaadiidka oo ka mid ah naadiyada dib loosoo nooleeyay.

Tartankan ayaa la cayaari doonaa todobaadkiiba shan maalmood, iyadoo la nasan doono labada maalmood ee kala ah Sabtida iyo Axada sida uu horay u shaaciyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Xiriirka ayaa sheegay in sababta labada maalmood ee la nasashada ay uga kala dhigeen Sabtida iyo Axadda ay tahay sidii dadweynaha Soomaaliyeed ee ciyaaraha kubadda cagta jecel fursad loogu siin lahaa inay daawadaan horyaalla dalalka Yurub oo aad looga xiiseeyo dalkeenna.

Dadweyne u badan dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa aad ugu sii qul-qulaya maanta garoonka Banaadir Stadium si ay u daawadaan ciyaarta ugu horreysa ee horyaalka kubadda Cagta Soomaaliya.

Furitaanka ciyaartan ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya  iyo mas’uuliyiinta xiriirka ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

Ammaanka garoonka ayaa waxaa aad u adkeeyay ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya, si looga hortago rabshado garoonka ku dhexmara taageerayaasha labada kooxood.

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium oo ku yaalla degmada C/casiis ee gobolka banaadir ayaa waxaa lagu sameeyay dib u habeyn aad u xooggan sannadkan, iyadoo lagu goglay kadiifadaha cagaaran ee lagu goglo garoommada caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya