4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Dawlada Itoobiya oo shaacisay in afar ruux ay ku Naf-waayeen qarax gaari bas ah lagula beegsaday Galbeedka Dalka Itoobiya


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay gaari caasi ah oo ay dad saarnaayeen kaddib markii qarax miino lagula beegsaday magaalo ku taal galbeedka dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Segno Gebeya, xilli ay ka digtay dowladda Itoobiya weerarro argagixiso oo dalkeeda ay ka geysato kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Waxaana arrinkan u xaqiijiyay wakaalada wararka ee Reuters sarkaal ka tirsan dawlada Itoobiya oo sheegay inaysan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkan.

Dowladda Itoobiya ayaa talaadadii shaacisay inay heegan sare galisay ciidamadeeda ammaanka kadib markii ay heshay macmuulaad muujinaya in Alshabaab ay qarka u saarantahay inay weeraro ka gaysato gudaha dalka Itoobiya.

"Bumbadu waxay ku qaraxday gaari caasi ah gudihiisa oo ku dhex safrayay magaalada Segno Gebeya," sidaas waxaa yiri  Shimeles Kemal oo ah afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya oo sheegay in magaalada weerarku ka dhacay ay ku taal xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Sudan.

“Weerarkan masuuliyadiisa cid sheegatay ma jirto wali baaritaannada ayaa socda” ayuu sii raaciyay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli sadex todobaad ka hor dawlada Itoobiya ay shaacisay in labo nin ay ku qaraxday bumbo ay doonayeen inay weeraro u isticmaalaan guri ku yaalla magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya inay ka gaysan doonaan weeraro aargoosi ah iyagoo horay u sheegtay weeraro ka dhacay wadamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya