4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Dagaal khasaare badan geystay oo Maalintii labaad ka socda Duleedka Bari ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ee Jowhar

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo maalintii labaad duleedka bari ee degmada Jowhar ku dhexmaraya beelo walaalo ah oo halkaa wada daga.

Dagaalladan ayaa waxay salka ku hayaan is-qabqabsi dhul beereed oo ay in muddo ah ku muransanaayeen labadan beelood, waxaana dagaalladan ay ka mid yihiin kuwii ugu cuslaa ee soo mara degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow sannado fara badan kaddib.

“Shalay ayay dagaalladu billowdeen illaa maanta waa socdeen, inkastoo ay xilli duhurradii kaddib ah u hakadeen roobab xooggan oo ka billowday meelo ka mid ah kuwa lagu dagaalamayo,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Jowhar.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdi Jiinoow Calasoow iyo qaybaha kale ee maamulka heer degmo iyo heer gobol ayaa waxay ugu baaqeen labada beelood ee dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, iyagoo sheegay in haddii ay joojiyaan ay taasi keeni karto in xoog lagu dhex-galo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay booqday degmada Jowhar ayaa hadal uu jeediyay kusoo qaaday dagaalladan ayaa ku boorriyay waxgaradka iyo odayaasha deegaanka inay dhexda u xirtaan sidii lagu qaboojin lahaa xiisada dagaalkan ee soo cusboonaatay.

“Waxaan maqlayay in dagaallo horay heshiis looga gaaray ay dib ugu soo laabteen duleedyada degmada Jowhar, waxaan codsanayaa in dagaalladaas la joojiyo. Waayo lama joogo xilligii colaadda, waxaa lagu jiraa xilli dhibaato ay jirto, waana in laga qaybqaato samata-bixinta dadka fatahaaduhu ay ku dhufteen,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ciidammo badan kaga keenayaan Muqdisho si ay u kala dhex-dhigaan labada beelood ee bariga degmada Jowhar ku dagaalamaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya