4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Kulan lagu Taageeray Natiijada shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Munasabada lagu taageerayay natiijadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee shalay lagu soo gaba-gebeeyey ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo uu soo qabanqaabiyay guddiga xiriirka Jubbooyinka.

Waxaa ugu horreyn ka hadlay munaasabadda Suldaan Maxamed Muuse (Luga-loox), Suldaan Cabdikaafi Suldaan C/llaahi, Suldaan Aadan Garab, Suldaan Maxamed Sheekh Axmed iyo qaar kale oo si buuxda u taageeray natiijada kasoo baxday shirweynaha gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kael, waxaa ka hadlay kulanka, C/qaadir X. Maxamed (Luga-dheere) oo ka mid ahaa saxiixayaasha heshiiskii Jubbooyinka, isagoo si buuxda u taageeray heshiiskaas, wuxuuna ka mahad-celiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay heshiiskan.

“Waxaan u mahad-celinaynaa dadaalka beesha caalamka ku wado ka miro dhalinta heshiiska Jubbooyinka, waxaana si gaar ah ugu mahad-celinaynaa dowladda Itoobiya oo dadaal badan ku bixisay nabadeynta iyo xal u helidda arrimaha Jubbooyinka, sidoo kale urur goboleedka IGAD ayaa mahad-celin mudan,” ayuu yiri Suldaan Luga-dheere.

Gaba-gabadii waxaa munaasabadda khudbad ka jeediyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga isagoo ka mahadceliyay sida midnimada leh ee loo taageeray heshiiskii Jubbooyinka isagoo digniin u diray cid kasta oo ku howlan carqaladeynta heshiiskaas, isagoo sheegay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya