5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Shir ay ka qaybgalayaan Madaxda Warbaahinta Afrika oo Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya (SAWIRRO)


Bidix: Mimi Sebhatu, Trevor Ncube, R/Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn iyo Amadou Mantor Ba


Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Shirkii lixaad ee madaxda Warbaahinta Qaaradda Afrika (Africa Media Leaders Forum - AMLF) oo ay ka qaybgalayaan ku dhawaad 1,000 ruux oo u badan madaxda iyo wakiillada saxaafadda Afrika ayaa si rasmi ah uga furay maanta oo Khamiis ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo warbaahintii lagu casuumay shirkaas ay ka mid tahay shabakadda Hiiraan Online, Idaacadaha Shabeele iyo Mustaqbal.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa hadallo ka jeediyay aas-aasayaasha ururkan AFMLF ayaga  sheegay in shirkan uu qayb ka yahay kuwa lagu doonayo in lagu horumariyo warbaahinta Afrika.

Labadan mas’uul ayaa midkood yahay asaasha shabakadda Allafrica.com Mr. Amadou Mantor Ba iyo Trevor Ncube oo ah agaasime ku-xegeenka wargeyska Mail & Guardian oo ka soo baxa dalka Koofur Africa.

"Dad badan baa waxay leeyihiin ma Itoobiya oo la ogyahay inay warbaahinta dhibaato ku hayso ayaad shiran ku qabanasaan? waxaan marka hore u mahad celineynaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya oo naga ogolaaday casumaad aan u fidinay, waxaananan go’aansannay inaan dalka Itoobiya ku qabanno shirkan, si halkan aan uga sheegno sidii lagu horumarin lahaa warbaahinta Afrika innagoo aan wax cabsi ah qabin,” ayuu yiri Trevor Ncube.

Intaas kaddib waxaa kulanka ka hadashay, Mimi Sebhatu oo dhanka dalka Itoobiya ula qaban-qaabineysay shirkan. Mimi Sebhatu ayaa difaacay warbaahinta dalka Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Marka laga soo tago wararka dibadaha laga sheegayo, Itoobiya si mideysan oo wanaagsan ayay u maamushaa saxaafadda iyo dhaqaalaha dalkeeda, waxaana taas caddeyna u ah heerka ay dowladda Itoobiya ka gaartay horumarka dhaqaaleheed oo maanta lagu tilmaamo kan ugu heerka sareeya adduunka” ayeey tiri Mimi Sebhatu .

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Hailemariam Dessalegn oo khdubad ka jeediyay furitaankii shirka  sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Itoobiya iyo tan qaaradda Africa isaga oo sheegay in Itoobiya mar waliba u taagantahay horumarka  qaaradda Africa.

Ra’iisula Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in warbaahinta adduunka mar waliba ka qoraan Africa waraka aan wanaagsaney. Qoraalkii ugu wanaagsanaa ee Qaaradda Africa lagu qoro ayaa maqaal loogu magac daray (Africa Rising).

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu soo qaaday hadal uu horay u yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi kaasoo ahaa: “Afrika waxay u baahan tahay inay yeelato hal cod ay ku wada-hadasho iyo inay ku tiirsanaato dadka aqoonta leh ee Afrikaanka ah, intii ay ku tiirsanaan lahayd dad shisheeye ah iyo inay joojiso ku xirnaanshaha dad kale, ayna iyadu isku tashato.”

Dessalegn intaas kaddib si rasmi ah u furay shirkii lixaad ee madaxda warbaahinta qaaradda Afrika.

Madaxa warbaahinta Soomaalida ee shirka lagu casuumay ayaa waxay kala yihiin: madaxa Hiiraan Online (HOL), Axmed Guure. Madaxa idaacadda Star FM, Maxamed Xasan, Agaasime ku-xigeenka Radio Shabeele Maxamed Amiin, Wakiil ka socda Radio Mustqbal, Mustafa Sheekh iyo laba wargeys oo ka socday Somaliland.

Shirkan oo lasoo xirayo maalinta berri ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu kasoo qaybgalaan madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxa Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, madaxa bankiga horumarinta Afrika, Dr. Donald Kaberuka iyo madax kale oo Afrikaan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya