4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2013
Wasaaradda Amniga Puntland oo soo bandhigtay Istaraatiijiyadda lagu sugi doono Ammaanka Puntland Xilliga Doorashada

Khamiis, November 07, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo lugu wado inay doorashada madaxtinimo ka qabsoonto 08-da Janaayo 2014-ka ayaa markii ugu horreysey soo bandhigay qorshayaasha ay doonayaan inay amniga ku sugaan xiliga ay socoto doorashada.

Wasaaradda amniga oo arrimahaasi ka hadlaysay ayaa war kasoo baxay lugu sheegay in xilligaan la sii qorsheyay qabka uu noqon doonno amniga guud ee maamulka Puntland xilliyada lugu gudo jiro doorashooyinka.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda amniga Puntland, Cabdullaahi Jaamac Cali oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xiligaan amniga Puntland uu yahay mid wanagsan isla markana xiligaan wasaaraddu ay waddo qorshayaal ay ku doonayso inay kusii xoojiso amniga xiliyada lagu gudo jiro doorashada la doonayo inay qabsoonto sannadka ina soo aaddan.

"Xilligan amniga Puntland waa mid aad u wanagsan, waxana jira qorshayaal ay wasaaradda amnigu ka dajisay xiliyada lugu guda jiro doorashada, ciidamada amnigu iyagu waa kuwo mar walba u diyaarsan inay sugaan ammaanka, waxana rajeynaynaa inay wax walba u dhacaan sida ugu mac-qulsan," ayuu yiri Wasiir-u-dowlaha wasaaradda amniga Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu soo hadal qaday in qorshaha ugu weyn ee lugu sugayo ammaanka uu yahay in laamaha amniga ay la shaqeeyan shacabka iyagoona la kaashanaya xogaha ku aaddan sugidda amniga iyo ka hortagga khatar kasta oo la xiriirta xagga amniga.

Si kastaba ha noqotee, dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha xilligan tallada Puntland haya ee Faroole uu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka murashaxiinta Puntland, wauxuuna intaa ku  daray inay lama huraan tahay in musharixiintu ay xakameeyaan ilaaladooda si amniga guud ee uusan faraha uga bixin.

Hiiraan Online, Gaalkacyo