4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Soomaalida Mareykanka oo markii ugu horreysay guulo taariikhi ah ka gaaray doorashada Golayaasha Deegaanka Mareykanka


Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Cabdi Warsame iyo Axmed Xasan oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa noqday Soomaalidii ugu horreysay oo ku guuleysta golayaasha deegaanka Mareykanka, kaddib markii ay heleen codad ku filan guushooda.

Xaafadda lixaad ee magaalada ayaa waxaa doorashadeeda ku guuleystay Cabdi Warsame oo 35-jir ah, isagoo bedelaya madaxii hore ee xaafaddaas, Robert Lilligren oo muddo 12-sano ah xukumayay deegaankaas.

“Anigu waxaan ahay Marekankan ku faraxsan in asalkeygu yahay Somali,” ayuu ka yiri Cabdi Warsame xaflad weyn oo loogu dabaal-dagayay guushiisa oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Sidoo kale, Warsame ayaa sheegay in xilka loo doortay uu yahay mid uu ku matalayo qof walba, haddii uusan sidaas yeelinna ay sababi karto inuu ku guul-darreysto howshiisa.

Dhanka kale, Axmed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada golaha deegaanka Clarkston oo ka tirsan gobolka Georgia oo uu daggan yahay, isagoo helay codad gaaraya 59.6% codadkii la dhiibtay, isgaoo aad uga horreeyay xubnihii la tartamayay.

Axmed iyo Warsame ayaa la sheegay inay noqdeen labadii qof ee Somali ah oo markii ugu horreeyay ku guuleysta doorashada golayaasha deegaanka dalka Mareykanka, waxaana tani ay indha u soo jeedisay Soomaalida ku nool dalka Mareyknaka.

Doorashadan ay ku guuleysteen labadan qof ee Soomaalida ah ayaa waxay noqonaysaa mid taariikhi ah marka loo eego Soomaalida-Mareyknaka oo inta badan halkaas tagay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Soomaaliya oo laga joogo 22-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya