4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Wafdi ka socda baarlamaanka iyo Xukuumadda waddanka Kenya oo Maanta Booqasho ku yimid Somaliland (SAWIRRO)


Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa maanta soo dhoweeyey  Wefti  ballaadhan oo ka socda Baarlamaanka iyo dawladda Kenya oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ku hadlayey afka baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inay si fiican usoo dhoweynaya weftigan ka socda baarlamaanka Kenya iyo xukuumadiisaba.

Xildhibaan Ayaanle ayaa sheegay in weftigan booqasho ku tagi doono meelaha taariikhiga ah ee Somaliland, isla markaana heshiishyo kala qoran doonaan labada baarlamaan si ay xidhiidh joogta ah u wada yeeshaan.

“Weftigan wuxuu iskugu jiraa afar xubnood oo baarlaanka Kenya, shan xubnood oo ka socda dawlada Kenya oo uu u jiro la taliyaha madaxweynaha Kenya, kuwaas oo wadanka joogi doonna saddex cisho”ayuu yidhi xildhibaan Ayaanle oo ka hadlayey weftigan yimid.

“Weftigan waxa uu booqan doona meelo badan oo taariikhi ah oo Somaliland ka tirsan, waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha, sidoo kale kulan la yeelan doona guddiyo iskugu jira Wakiilada iyo baarlamaanka”ayuu raaciyey hadalkiisa,

Xildhibaan Ayaanle ayaa sheegay inay fursad u tahay Somaliland imaanshaha weftigan  Kenya ka socda, isla markaan xidhiidh sokeeya la yeelan doonaan.

Dhinaca kale,  Haweenay u hadashay weftigan Kenya ka soca ayaa sheegtay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee Somaliland yimaadaan, waxayna sheegtay  inay wax badan la socdaan, isla markaana Somaliland ku bogaadiyey inay horumar ka gaadheen dimuqraadiyada iyo horumarka kale ee Somaliland gaadhay.

Weftigan ayaa booqan doono meelo badan oo Somaliland ka tirsan, waxaanay mudadaasi ay joogaan la kulmi doonaan qaybo ka mid ah dawladda Somaliland.







Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland