4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
WAR-MURTIYEEDKII Laga Soo Saaray Shirkii Dib u Heshiisiinta Jubbooyinka ee lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta lagu soo gunaanaday Muqdisho shirweynihii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaasoo u qornaa sidan:

Horudhac

Iyadoo la ambaqaadayo fulinta iyo hirgelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013, dowladda Soomaaliyeed waxay qabanqaabisey shir-weyne dib u heshiisiineed ee shacabka Jubbooyinka.

Shirweynaha oo socday muddadii u dhexeesay 03 - 06 November 2013-ka waxaa kasoo qayb-galay 200 oo ruux oo ah ergo ka kala timid deegaannada kala duwan ee Jubbooyinka. Ergada shirku waxay si hufan uga falanqeeyeen sidii heshiis buuxa loo dhex-dhigi lahaa bulshada deggen Jubbooyinka iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii Addis Ababa.

Qoddobada laga dooday oo ahaa kuwo muhiim u ah dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Jubbooyinka waxay ahaayeen:

 Horumarinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
 Kordhinta amniga, is-dhexgelinta ciidamada iyo la dagaalanka Argagixisada.
 Kor u qaadidda adeegga bulshada iyo dhaqaalaha.

Dood dheer kaddib Shirweynuhu waxay soo jeediyeen Talooyinka soo socda:

Dhinaca Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta:

1. In si buuxda la iskula qaato heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013.
2. In bulshada Jubbooyinku isku tanaasusho, is-cafiso, isla markaana la isku celiyo wixii hanti ah lana joojiyo wixii colaad hurin kara, iyadoo loo dirayo fariin nabadeed dhammaan deegaannada Jubbooyinka.
3. In maamulka KMG-ka ah la wada taageero lana dhameystiro si loo wada dhan yahay oo ay ka dhaxmuuqdaan dhammaan beelaha dagan Jubbooyinka, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay, dowladda federaalka ahna ay gacan ka geysato fududeynta arrintaas.
4. In loo wareejiyo qaybta dambe ee dib u heshiisiinta magaaladda Kismaayo.
5. In la xoojiyo kaalinta bulshada rayidka ee Jubbooyinka.

Arrimaha Amniga:

1. In la dhiso hay’adaha amniga qaybahooda kala duwan sida Booliiska, milateriga iyo ciidanka Asluubta. Kuwa ciidan aan noqon karina shaqo abuur loo sameeyo.

2. In si nabad ah dib loogu soo celiyo ciidamada Jubbooyinka ee deggen duleedka magaaladda Kismaayo. lana mideeyo ciidama oo dhan.

3. In ciidamada loo dhameystiro waxyaabaha ay u baahan yihiin; tababarka, qalabka iyo in la dhiso maxkamadda ciidamada.

4. In deegaannada Al-Shabaab ay haysato ay ka saaristooda si wadajir ah isaga kaashadaan maamulka KMG, dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

5. In la furo xarumo lagu dhaqan-celiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Arrimah Bulshadda

1. In la horumariyo kheyraadka gobollada Jubbooyinka sida xoolaha, beeraha, kalluunka iyo kheyraadka dabiiiciga ah; lana dhiirri-geliyo ganacsiga iyo warshadaha gaarka loo leeyahay.

2. In lasoo celiyo goobihii waxbarashada, lana furo dugsiyo xirfadeed.

3. In la sameeyo daryeel caafimaad oo tayeysan lana gaarsiiyo illaa heer degmo iyo tuulo.

4. Dowladda federaalka iyo bulshada caalamka inay gobbollada Jubbooyinka ka kaalmeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa adeeggii bulshada.

Mahadnaq:

1. Ergada shirweynu waxay uga mahadceliyeen dowladda Soomaaliya sida ay isaga xilsaartay soo qaban-qaabinta iyo higelinta shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

2. Ergadu waxay sidoo kale u mahadnaqayaan gacanta ay ka geesatay beesha caalamka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbooyinka si gaar ahna waxay ugu mahad-naqayaan dowladda itoobiya oo dadaal dheeraad ah u gashay ka qeyb qaadashada dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya