4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Itoobiya oo Heegan gelisay Ciidankeeda Ammaanka iyadoo baqdin ka qabta Weerarro kaga yimaada Kooxda Al-shabaab

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ammaanka kaddib markii ay sheegtay inay soo baxeen warar sheegaya in Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ay qorsheynayso in weerarro argagaxiso ay ka geysato dalkeeda.

Hadalkan ayaa wuxuu soo baxayaa kaddib saddex toddobaad markii qarax uu ka dhacay xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa, kaasoo dilay laba qof oo la sheegay inay Soomaali ahaayeen oo diyaarinayay qaraxa.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay dalka Itoobiya ka geysanayso weerarro ay uga jawaabayso ciidamada ay u soo direen si ay xoogaggeeda ula dagaalamaan, sidoo kalena waxay ku hanjabeen inay qaraxyo ka geysan doonaan dalalka Uganda, Burundi iyo Kenya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

“Waxaa jira calaamado waaweyn oo muujinaya in kooxda Al-shabaab iyo kuwo kale oo argagaxiso ah oo ay taageerayso Eritrea ay doonayaan inay weerarro argagaxiso ka geystaan dalkeenna,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen hay’adda nabad-sugidda iyo ciidanka booliiska Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa inta badan eedeymo u jeedisa dowladda ay dariska yihiin ee Eritrea, taasoo uu kala dhexeeyo dagaal sannado badan socda, inkastoo xukuumadda Asmara ay dhowr jeer oo hore beenisay inay taageerto Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen hay’adaha ammaanka Itoobiya oo laga sii daayay telefishinka dalkaas ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugiddu ay heegan buuxa ku jiraan, si ay uga hortagaan khatar la sheegay inay soo wajahan tahay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha hoteellada iyo maamulayaashooduba ay iska xaqiijiyaan sharciyada ay wataan dadka booqashada ku imaanaya dalka Itoobiya.

Ciidamada ilaalada xuduudaha iyo kuwa jooga koontaroollada dalkaas ayaa lagu wargeliyay inay adkeeyaan baaritaannada, si ay san u dhicin baa lagu yiri war-saxaafadeedka in kooxo xag-jiriin ay soo galaan dalkooda.

Bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii xoogag taabacsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qabsadeen dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay gacanta ku hayeen muddo afar maalmood ah, ayna ku dileen 67-qof.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay fashilisay dhowr weerar oo ay kooxda Al-shabaab doonaysay inay ka gysato gudaha dalkeeda. Waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada xarunta ah ee Addis Ababa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya