4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Musharraxiinta Madaxnimada Puntland oo Xod-xodasho ugu jira sidii ay uga Guuleysan lahaayeen Doorashada soo socota

Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Xilli doorashada madaxtinimo ee Puntland ay ka harsan tahay wax ka yar labo bilood waxaa deegaannada Puntland ka socda ololayaal iyo barnaamijyo siyaasadeed oo ay wadaan muraashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynimo ee Puntland.

Musharraxiinta ayaa shirar iyo kulammo kala duwan la leh dadweynaha ku nool gobollada Puntland, iyagoou sharraxaya qorshayaashooda haddii ay ku guuleystaan hoggaanka maamulka Puntland, kuwaasoo ay ku doonayaan in ay ku helaan taageerada beelaha maadaamaa beeluhu ay yihiin kuwa soo xulaya xildhibaannada dooranaya madaxweynaha.

Bishan aynu ku jirno waxaa safarro ku imaan doonna Puntland musharaxiin ka mid ah kuwa u tartamaya xilka madaxnimo, kuwaasoo qaarkood dibadda kawada shirar ay ku baadi-goobayaan taageero, waxaana la isku diyaarinayaa doorasho timid kaddib joojintii nidaamka asxaabta badan oo xukuumadda hadda talada haysa ay joojisay.

Magaalooyinka qaar waxaa ka billowday ololayaal ay wdaan xubno u gogol-xaarayaan musharraxiinta soo socda, halka deegaannada ka baxsan jidka laamiga ahna ay noqdeen kuwo si aad ah looga hadal-hayo barnaamijyada siyaasadeed ee cirka isku shareeraya.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxaa ku soo fool leh doorasho si weyn loo sugayayoo ay ku tartamayaan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland oo la filay inay dhacdo bisha Janaayo ee sannadka soo socda 2014.

Hiiraan Online, Gaalkacyo