4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda sare ee Britain ee sii Wadista Adeegyada Xawaaladaha


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasoo lagu sii wadayo adeegyada xawaaladaha Soomaalida.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa maanta go’aan ka gaartay dacawad in muddo soo socotay oo u dhexeysay shirkadda xawaaladda Dahab-shiil iyo Bankiga Barclays, taasoo maxkamaddu ay kaga joojisay bangigan inuu xiro xisaabaadka ay Dahabshiil uga furan bankigaas.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka maxkamadda sare ee Britain, waana mid farxad-geliyay malaayiin Soomaaliyeed, kuwaasoo ka walaacsanaa inay waayaan lacagaha ay ehelladooda uga soo diraan dalka dibadiisa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aaddan sii wadista adeegyada xawaaladaha Soomaalida.

Ra’iisul waasaraha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Waa in dawladda Soomaaliya; maamulayaasha xawaaladaha iyo madaxda bankiga ay si dhow uga wada-shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ay ku wada qanacsan yihiin”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyay sidii loo hakin lahaa go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo xisaabaadyada ay lacagaha sii marsiiyaan shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida, waxaana uu go’aanka maxkamadda ka tarjumayaa miraha dadaalkii madaxda dowladda Soomaaliya iyo shirkaddaha xawaaladaha.

Madaxa shirkadda Dahabshiil C/rashiid Maxamed Ducaale oo la hadlay VOA-da isagoo ku sugan magaalada London ayaa sheegay in go’aankaas ay aad u soo dhaweynayaa, isagoo ku tilmaamay guushan mid ay gaareen shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

C/rashiid ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo guud ahaan intii gacanta ku siisay dacwaddii ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee Britain, isagoo xusay inay dhici karto in dacwooyin kale laga furo maxkamado kale, balse wuxuu sheegay inuusan garanayn xilliga ay noqon karto.

Malaayiin Soomaali ah oo dibadaha ku nool ayaa ehelladooda ku sugan dalka Soomaaliya u soo mariya lacagaha biilasha ah xawaaladaha, iyagoo aad u soo dhaweeyay go’aanka ay maanta qaadatay maxkamadda sare ee Britain.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya