4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya (SAWIRRO)


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa galabta si gooni-gooni ah ugu qaabilay Muqdisho wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom iyo wafdi uu horkacayo, iyagoo kala hadlay arrimaha horumarinta xariirka labada dowladood iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.

Kulammadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen, wasiiradda arrimaha dibadda iyo wasiirka gaashaandhigga iyo weliba wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay gaba-gabada kulanka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Saacid uu kala hadlay wasiirka iskaashiga labada dal, gaar ahaana arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in ra’iisul wasaaruhu uu uga mahad-celiyay dowladda Itoobiya dadaalkeeda ku aaddan nabadeynta iyo xasilinta dalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay kaalintooda ciidan iyo taageerada la dagaalanka argagixisada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mar kasta ka go’an tahay garab-istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo jawi isku soo dhawaasho iyo nabad ku wada-noolaansho.

Ugu dambeyn, Tedros ayaa u gudbay halka uu ka socdo shirka Jubbooyinka, iyadoo la sheegay in xirtaanka shirka dib loo dhigay illaa berri, waxaana lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo xiritaanka shirka.

Itoobiya ayaa waxay ka mid tahay dowladihii dadaalka badan ku bixiyay sidii uu heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG Jubba uu u noqon lahaa mid hirgala, waxayna ka hortageen caqabado dhowr ah soo wajahay.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya uu dalka Soomaaliya yimaado, iyadoo uu horay u yimid Soomaaliya ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desailegn.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo fara badan oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM dagaal kula jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya