4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Munaasabadda Xirtaanka shirka dib u heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo Arrimo farsamo awgood dib loo dhigay illaa Berri

Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Shirka dib u heshiinta oo lagu waday in maanta uu soo xirmo kaddib saddex maalmood oo uu socday ayaa dib loo dhigay illaa maalinta berry ah, kaddib markii la sheegay in ergooyin caalami ah oo ka qaybgeli lahaa xafladda xirtaanka aysan weli soo gaarin Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/shakuur Cali Mire ayaa kaga dhawaaqay madasha shirka in arrimo farsamo awgood dib loo dhigay xaflad loo sameynayo xirtaanka shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

“Dib u dhacan wuxuu ku yimid arrimo farsamo, waayo wufuud caalami ah oo shirka ka qaybgeli lahayd ayaan qaarkood soo gaarin Muqdisho, taas awgeed waxaa la go’aansaday in xalfadda la qabto berri oo Arbaco ah,” ayuu Mire ku yiri hadal uu jeediyay.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijyay inay Muqdisho soo gaareen wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya, Tedros Adhanom iyadoo la filayo in berri aroortii ay dalka soo gaaraan wufuud kale oo ay ka mid tahay wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya Aamino Maxamed iyo wafdi ka socda IGAD.

Warmurtiyeedka shirka ayaa la sheegay in berri si rasmi ah loogu dhawaaqi doono, inkastoo qodobbadii looga dooday shirkaas la sheegay in dhammaan lagu heshiiyay.

Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo dadka kasoo jeeda Jubbooyinka loogu qabto Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen kuna tilmaameen shir aan loo dhameyn.

Xirtaanka shirka ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madaxweynaha Somalia,  Xasan Sheekh Maxamuud, halka uu shirkan ka furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in dadkii dagaalladii horay uga dhacay Kismaayo ay dib ugu soo laabtaan magaaladaas, sidoo kaelna la qarameeyo dhammaan ciidamada iyo malleeshiyaadka ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya