4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Maxkamadda Sare ee Dalka Britain oo Maanta Go’aan ka Gaartay Dacwad u Dhexeysay Shirkadda Dahabshiil iyo Barclays Bank


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Britain ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad u dhexeysay shirkadda xawaalada ee Dahabshiil iyo Barclays Bank, taasoo ku saabsanayd xirtaanka xisaabaadyo ay shirkaddaas ku lahayd bankiga.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa lagu sheegay inaanu bankigu xiri karin xisaabaadyada ay shirkaddan ku leedahay inta dhageysi maxkamadeed la furayo, taasoo ay si aad ah u soo dhaweysay dowladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Dahabshiil ayay ku shaacisay in la joojiyay go'aan uu Barclays Bank ku doonayay inuu ku xiro xisaabtii ay ku lahaayeen, taasoo ay ku tilmaameen guul weyn oo shacabka Soomaaliyeed u soo hoyatay.

“Tani ma ahan guul ay gaartay Dahabshiil oo keliya, laakiinse waa guul u soo hoyatay guud ahaan malaayiinta Soomaalida ah iyo Afrikaanka kale ee ku tiirsan howlaha ay shirkaddu u qabato,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Dahabshiil.

Barclays Bank ayaa horay u xiray xisaabaadyo ay ah xawaaladaha Soomaalidu bankigaas ku lahaayeen, taasoo walaac weyn gelisay dadka Soomaaliyeed ee ehelladooda gudaha Somalia ku sugan lacagaha u dira.

Shirkadda Dahabshiil ayaa dacwad ka dhan ah Bankiga Barclays u gudbisay maxkamadda sare ee dalka Britain, taasoo dooddeedu socotay in muddo ah, iyadoo go’aankan uu aad uga farxiyay Soomaali badan oo wadnaha farta ku hayay.

Arritan ayaa waxaa ka hadlay Soomaali badan oo ku nool dalka Britain oo si joogto ah u isticmaala xawaaladaha, waxaana ka mid ah Laylo Jaamac oo 52 jir ah muddo 20-sano ahna ku noolayd dalka Ingiriiska.

“Waalidkey way gaboobeen mana shaqeyn karaan. Mana jirto meel ay wax ka heli karaan oo aan aniga ahayn, waana ku faraxsanahay go’aankan, waayo xawaaladuhu waa kuwo aan ku tiirsannahay oo aan lacagaha ugu diri karno walaadkeen iyo walaalaheen,” ayay Laylo u sheegtay BBC-da.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hadal ka soo saaray arrintan ayaa ku sheegay tallaabo guul weyn u soo hoyatay guud ahaan Soomaalida isticmaalaha xawaaladaha.

“Waan soo dhaweynayaa go’aankan, waayo Soomaaliya waxay ku jirtaa sidii ay uga bixi lahayd 22-sano oo colaado ah, xawaaladuhuna waa halka ay shacabku ka helaan lacagaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay ee dibadaha looga soo diro,” ayuu yiri  ra’iisul wasaare Saacid.

Barclays Bank oo aan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono ayaa haddana wuxuu horay u sheegtay in lacagaha lagu diro xawaaladaha Soomaalida ay qaarkood ku dhacaan gacmaha kooxaha dagaallada wada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya