4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Xisbiyada WADANI & UCID oo ku dhawaaqay guddi soo Qaban-qaabiya Shir-weyne Qaran iyo Xukuumadda oo diiddan


Talaado, November 05, 2013 (HOL) —  Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay magacaabeen guddigii labada xisbi ee soo qaban-qaabin lahaa shirweyne Qaran oo lagaga hadlayo aayaha mustaqbal ee Somaliland.

Kulan ay iskugu yimaadeen  gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid iyo Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa lagu go’aamiyey in guddi labadda xisbi ka kooban loo saaro qabsoomida shirkaasi oo la filayo inuu magaaladda Hargeysa ka dhoco tobanka December ee sanadkan.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI ayaa magacaabay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran, kuwaas oo ka kooban lix xubnood oo uu soo magacaabay gudoomiyaha xisbiga  Cabdiraxmaan Ciro, waxaanay kala ahaayeen Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Faarax(Codyare), Xildhibaan Baar Siciid,Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte).

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa isaguna dhinaciisa ku dhawaaqay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran waxaanay kala yihiin marwo  Faadumo Siciid Ibraahin, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Cabdinaasir Yuusuf Cirro, Axmed Maxamed Diiriye, Aadan Cali Yoonis iyo Maxamed Mahdi Buubaa.

Guddidan labadda xisbi iskugu jira ee loo saaray qabanqaabada shirweynaha Qaran ayaa soo diyaarin doona ajandaha lagaga hadlayo shirkan oo la sheegay inuu ku saabsan yahay waxyaalaha qabyada ka ah Somaliland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa arrimaha doorashooyinka  iyo diiwaangelinta si aanay wakhtigii loogu tallogalay dib uga dhicin.

Haseyeeshee xukuumadda ayaan ogoleyn shirkaasi, isla markaana sharci daro ku tilmaamay inay xisbiyadda siyaasadu qaban karaan shirweyne qaran, isagoo wasiirka Arrimaha guduhu Cali Warancade awoodaasi siiyey madaxweynaha oo qudha inuu shirweyne Qaran karo.

Madasha Wadatashiga ayaa Shirkan hore ugu  wareejiyey xisbiyada qaranka inay qabtaan, maadaama oo iyaga loo diiday inay qabtaan, waxaanay soojeedintaasi ka aqbalay labada xisbi mucaarad, inkastoo xukuumadi shirkaasi ay aad uga soo horjeeddo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland