4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Jabhadda M-23 ee ka dagaalanta Bariga dalka Koongo oo ku dhawaaqday in ay joojisay dagaalladii ay kula jirtay Dowladda


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Jabhadda M-23 ee ka dagaallanta dalka Koongo ayaa sheegay inay joojiyaan fallaagonimada saacado kaddib markii ay dowladdu ku dhawaaqday guulo ay ka gaartay dagaallada ay kula jirto kooxdaas.

Hoggaamiyaha jabhaddan, Bertrand Bisimwa ayaa ugu baaqay madaxda militeriga jabhaddiisa inay u diyaar garoobaan inay hubka dhigaan ayna joojiyaan dagaalladii ay kula jireen dowladda Kongo.

Dowladda jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Koongo ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday inay ka guulaysatay fallaagada M23, iyadoo sidoo kale ay sheegtay dowladdu inay qabsatay goobihii ugu dambeeyay ee fallaagadu ay ka talinaysay oo ku yaalla bariga dalkaas.

Afhayeen dowladda Koongo, Lambert Mende ayaa sheegay in maleeshiyadii jabhadda ay qaarkood is-dhiiban halka kuwo kalena ay ka tallaabeen xadka ay wadaagaan Koongo iyo dalka ay dariska yihiin ee Uganda.

Jabhadda M23 ayaa sheegay inaan laga adkaan, laakin ay go'aansadeen inay si iskood ah u joojiyaan dagaalka, inkastoo uusan sheegin sababta dhabka ah ee ku keentay inay go’aankan qaataan.

Dhanka kale, madaxweynayaal ka socda gobolka ayaa ku shiraya Koonfur Afrika iyagoo ka hadlaya xal u helidda dhibaatada Kongo. Iyagoo jabhadda ugu baaqay inay joojiyaan kacdoonka ay ka wadaan bariga dalkaas.

Madaxda dowladaha ku bahoobay harooyinka waaweyn ayaa sheegay in heshiis xabad joojin ah la saxiixi doono muddo shan maalmood gudahood ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya