4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ka dalbaday Dowladda inay gacan ka geysato Dagaalka ka dhan ah Al-shabaab

Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in laga gacan siiyo maamulka gobolka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka kaddib ayay odayaasha war ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in ay socdaan dadaalo kala duwan oo nabadeed, islamarkaana odayaashu bilihii ugu danbeeyay ku howlanaayeen sidii bulshada ku wada dhaqan gobolka meel kaliya uga soo jeesan lahaayeen ka hortaga colaada, loogana wada shaqeyn lahaa hormar iyo wax wada qabsi.

Dowladda Soomaaliya ayeey ugu baaqeen odayaasha in ay ku gacan siiso maamulka gobolka Hiiraan qorshayaasha la doonayo sidii guud ahaanba gobolka loogu ballaarin lahaa nidaam-ka dowliga ah, loogana saari lahaa Al-shabaab deegaannada wali gacantooda ku sii harsan, waa sida ay odayaashu hadalka u dhigeen.

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa marar badan hore ka dhawaajiyay in ay soo dhameystireen qorshayaal ka dhan ah deegaannada gobolka ee gacanta ugu jira Al-shabaab.

Odayaasha dhaqanka gobolka ayaa ugu baaqay beelaha wada dega gobolka in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada, una dhaga-nuglaadaan sida ay hadalka u dhigeen dadaalada nabadeed ee socda.

Magaalada Beledweyne todobaadyadii aynu soo dhaafnayba waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ay lahaayeen odayaal dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin oo looga arinsanayay  nabadeynta gobolka iyo doorashada maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo magaalada Beledweyne ku sugan yihiin xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya