4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Shirka gobollada Jubbooyinka oo Maanta looga dooday amniga iyo shirka oo lasoo Gabag-abeynayo Gellinka Dambe ee Maanta

Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Shirka gobollada Jubbooyinka maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa looga dooday maanta amniga iyo sidii loo qarameyn lahaa malleeshiyooyinka iyo ciidamada ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Ergooyinka shirka ka qaybgalaya ayaa waxay doodo adag ka yeesheen sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga gobollada Jubbooyika iyo Gedo oo ka mid ah deegaannada uu xukumi doono maamulka KMG ah ee Jubba.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii ciidamada iyo kooxaha kale ee malleeshiyooyinka ah ee ku sugan Kismaayo, deegaannada kale ee gobolka loo qarameyn lahaa, loogana dhigi lahaa kuwo si toos ah u hoos-yimaada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa shirka guddoominayay, iyadoo ergooyinka ay soo gabagabeeyeen doodaha shirka, iyadoo lagu wado in gellinka dambe ee maanta lasoo saaro war-murtiyeedkii shirka.

Inkastoo shirka uu saddex maalmood ka socday Muqdisho ayaa dhanka kale waxaa jiray xildhibaanno iyo waxgarad kasoo horjeeda kuwaasoo shirar kala duwan ku leh Muqdisho, waxayna ku tilmaameen shirka mid aysan dadka ka soo jeeda Jubbooyinka u dhameyn.

Xiritaanka shirka ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan wufuud ka kala socda caalamka iyo ururka IGAD, iyadoo la sheegay in waxyaabaha aan shirkan looga hadli looga hadli doono shir kale oo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, inkastoo aan la sheegin xilliga uu qabsoomayo.

Wufuudda kala duwan ee shirka ka qaybgalaya ayaa dhankooda muujiyay inay ku rajo-weyn yihiin in qodobbo wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirka, waxaana hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo ka hadlay aragtidiisa uu sheegay inay dib ugu laaban doonaan Jubbooyinka iyagoo gacmaha is-haysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya