4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Xildhibaan Cali Khaliif oo Rajo ka muujiyay Shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka socda, Talana u jeediyay Dowladda Somalia


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Xildhibaan Cali Khaliif Galery ayaa rajo ka muujiyay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka socda, balse wuxuu sheegay inuu jiro walwal uu qabo, kaasoo ah in is-qabqabsi uu ka yimaado xulidda mas’uuliyiinta maamulka.

Galery ayaa sheegay in shirku uu yahay mid wanaagsan, balse looga baahan yahay ergooyinka Jubbooyinka inay dhabar-adayg sameeyaan marka xubnaha maamulka la sameynayo, taasoo uu sheegay inay tahay marka ugu daran ee soo marta maamul la dhisayo.

“Shirka anigu kama qaybgelin, balse waxaan rajeynayaa inay wax wanaagsan kasoo baxaan, balse waxaan qabaa walwal, kaasoo ah in la isku qabsado dhismaha maamulka, waxaanse kula talinayaa inay dhabar-adayg iyo tanaasul la sameeyo,” ayuu yiri xildhibaanka oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale kula taliyay dowladda Soomaaliya inay sidoo kale fursad siiso maamullada kale ee dalka ka jira, wuxuuna kula taliyay wasaaradda arrimaha gudaha inay noqoto mid ku filan howlaha maamullada dalka.

“Waxaan ku talinayaa in wasaaradda arrimaha gudaha ay noqoto mid ku filan howlaha maamullada gobollada dalka, sidoo kalena dadka deggen gobollada dalka iyaga loo daayo waxay doonayaan,” ayuu yiri xildhibaan Galeyr.

Sidoo kale, mudanaha ayaa sheegay in howsha ka socota gobolka Hiiraan ee maamul sameynta ah ay tusaale u noqon doonto wasaaradda arrimaha gudaha iyo sida ay u wajahayso maamullada kale ee gobollada dalka.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabaa in shirka Jubbooyinka ee Muqdisho ka socda ay kasoo baxaan qodobbo wanaagsan oo la isku afgartay,” ayuu mar kale yiri xidlhibaanka oo sheegay inay wanaagsan tahay in shacabka ku nool gobollada dalka la siiyo fursado ay kusoo dhistaan maamulladooda.

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maalin ka hor ka furmay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo, iyadoo ergooyinka shirka ka qaybgalaya ay muujinayaan rajo wanaagsan oo ah inuu kasoo baxo war-murtiyeed loo dhan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya