Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Jen. C/laahi Siciid Samatar oo kamid ah musharraxiinta u tartami doona madaxtinimada Puntland, marka la gaaro doorashada dhici doonta January 8, 2014.
Dadweyne boqollaal gaaraya oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan, isimmo haween iyo dhalinyaro, ayaa Mushrrax Samatar kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Musharraxa oo dadkii soo dhoweeyey garoonka si kooban ugula hadlay, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna sheegay in ay u muujiyeen dareen farxad leh kaasoo cadeyn u ah sida loogu heellan yahay isbeddel xilligan Punltand ka dhaca.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaallo dhowaan ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool iyo deegaano hoos taga, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii dagaalladaas ku geeriyoodey, kuwa ku dhaawacmayna caafimaad u rajeeyey.
" Puntland qoor qabad kuma iman...dadka Khaatumo masiirkooda inay ka tashadaan iyagaa xaq u leh, Puntland iyaga ayaa ka tegey wayna kusoo laaban karaan...laakiin cidna lama khasbi karo" Jen. Samatar ayaa yiri.
Tirada musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ayaa soo kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana ilaa iyo hadda shaaciyey in ay xilkaas u tartami doonaan in ka badan 20 musharrax.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Musharrax C/llaahi Siciid Samatar: "Dadka Khaatumo Masiirkooda in ay ka Tashadaan iyagaa xaq u leh" (SAWIRRO)
More News
- HALKAN KA AKHRISO: Magacyada Xildhibaannadii Saxiixay Mooshinka ka Dhanka ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid
- Xaalad Adag oo Haysata Dadkii ka Barakacay Taleex iyo Bannaan-bax lagu Cambaareeyay Puntland oo ka dhacay Buuhoodle
- Burundi oo la Wareegaysa Hoggaanka Howl-galka AMISOM ee Soomaaliya; Kaddib Taliye Cusub oo ay u soo Magacowday
- Hay’adaha Samafalka oo ku baaqay in la Caawiyo Qoysaskii ka Bad-baaday Duufaantii ku dhufatay Deegaanno ka tirsan Puntland
- Musharrax Shire Xaaji Faarax oo Boosaaso kula kulmay Qaybaha bulshada ee Gobolka Bari soona Bandhigay Qorshihiisa (SAWIRRO)
- Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu Baaqay Dadka ku nool Gobolka Sool inay Nabadda Ilaaliyaan
- Sarkaal ka tirsanaa sirdoonka ururka Al-shabaab Maanta oo isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee Baydhabo ku sugan
- Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaalkii Maalin ka hor ka dhacy degmada Taleex ee Gobolka Sool (WAR-SAXAAFADEED)
- Machadka HORYAAL ee Kismaayo oo Maanta Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Dhameysatay Barashada Ingiriiska [SAWIRRO]
- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI oo ku dhaliilay Xukuumadda inaanay ka hadal dagaalka ka socda Degmadda Taleex
- Mudanayaal ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay dhibaatooyinkii ka dhacay Degmada Taleex
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho Kula Kulmay Maanta Dallad ay ku Midoobeen Dhallinyaro Soomaaliyeed (SAWIRRO)
- MUSHARRAX C/WELI GAAS: "Maamulka Puntland Waxaan ugu baaqayaa in aan dhibaato la Geyn Degmada Taleex” (SAWIRRO)
- Somalia oo Dib u soo Nooleysay Xiirkii Kala Dhexeeyey Nigeria iyo Saraakiil Dalkaas ka socday oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)
- Tirada Musharraxiinta u Tartamaysa Doorashada Puntland oo sii Kordhaysa iyo Gobollada ay Murashaxiintu kasoo jeedaan
- Dad xoolo Dhaqato ah iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaan hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
- Kulan looga Doodayo Mooshinka ka Dhanka ah Xukuumadda oo Furmay iyo Doodda Mooshinka oo dib loo dhigay (SAWIRRO)
- Qunsuliyadd Soomaaliya ee dalka Sucuudiga oo ka hadashay Somali ku jirta Xabsiyada dalkaas iyo Tarxiilka lagu hayo
- Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Yeelanaya Kulan Xasaasi ah oo looga doodayo Mooshinkii laga keenay Xukuumadda