4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Ciidamada Somalia oo weeraray saldhiga ay Al-shabaab ku lahayd deegaan ku dhow Xadka ay Wadaagaan Somalia iyo Kenya

Axad, November 03, 2013 (HOL) — Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Sabtidii shalay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Kulbiyoow oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarka ayaa waxaa ka qaybgalay ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM , iyadoo ciidamada weerarkaas qaaday tiradooda lagu sheegay 80-askari oo wata gaadiidka ay ku rakiban yihiin hubka culus.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay weerarkaas ku dileen 30 ka mid ah xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen halka loo yaqaan Kulbiyow oo ku dhow xadka,” sidaa waxaa yiri ahayeenka guud ee milateriga Kenya, Emmanuel Chirchir.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu dhacay, balse wuxuu diiday in khasaare xooggan loo geystay xoogaggoodii deegaankaas ku sugnaa, inkastoo dowladdu ay sheegtay inay tiro Al-shabaab ah ku dileen halkaas.

“Ma jirto cid nooga dhimatay dagaalkaas. Balse dagaalyahannadeenna ayaa dilay afar ka mid ah ciidamada dowladda iyagoo sidoo kalena dhaawac culus u geystay sarkaalkii hoggaaminayay weerarka,” ayuu afhayeenka u hadlay Al-shabaab u sheegay telefishinka Al-jazeera.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid daba-socday weerar ay xoogaggoodu ku qaadeen maalin ka hor ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo marayay meel u dhexeysa deegaanka Kulbiyoow iyo Badhaadhe.

Afhayeenka milateriga Kenya ayaa sheegay in saldhiggan la weeraray uu ka mid yahay goobaha ay Al-shabaab ka duuli jireen marka ay doonayaan inay weerarro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Dhawaan ahay ahayd markii ciidamada cirka Kenya ay sheegeen inay weerar duqeyn ah ku qaadeen saldhiga ay Al-shabaab ku lahayd duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyagoo sheegay inay weerarkaas ku dileen 300 oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayna ku burburiyeen gaadiidka loo adeegsado dagaallada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya