4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland oo Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Murashaxiinta Madaxweynenimo ee Puntland

Axad, November 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay xilligan ku sugan yihiin xubno ka mid ah murashaxiinta u taagan hoggaanka madaxtinimo ee Puntland ayaa waxay kulan albaabadu u xirnaayeen la qaaten wakiilka UNSOM u qaabilsan Puntland, waxana la sheegay in kulanku uu ahaa mid xog-wareysi ah.

Shirkan labada dhinac ayaa waxay iskula soo qaadeen sida ay u qabsoomi karto doorasho lagu wado-qanacsan yahay oo si nabadgalyo ah ku dhacda, waxana sidoo kale ay isla soo qaadeen in xilligan ay muhiim tahay in doorashada soo aaddan ay noqoto mid dhammaan murashaxiintu ku-wadda qancaan.

Dhowr murashax oo doonaysa xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa ka qaybgalay kulanka, iyadoo saxaafadda loo diiday inay goobjoog ka ahaato, waxaana murashaxiinta goobjoogga ahaa ka mid ah: Dr Maxamed Cali Yuusuf (Gaa-gaab), Cabdullaahi Cali Mire (Carays) iyo Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi-libaax).

Wakiilka UNSOM ee Puntland, Cumar Daa’uud ayaa waxaa dhankiisa kulanka ku wehlinayay xubno ka socada Qaramada Midoobay.

Cumar Daa’uud ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu musharraxiinta uu kala hadlay hannaanka la doonayo inay u qabsoonto doorashada dhacaysa horraanta sannadka soo socda ee 2014, isagoo xusay inay doonayaan in doorashadu ay u dhacdo hab lugu wadda qanacsan yahay, wuxuuna intaas ku daray in doorashadu ay noqoto mid xalaal ah loogana baahan yahay murashaxiintu in ay u diyaar-garoobaan.

"UNSOM  iyo beesha caalamkuba waxay qorsheynayaan in Puntland ay ka dhacdo doorasho xaalal ah, taasoo ay kawada qaybgalaan musharraxiinta u  taagan xilka. Shirkan waa mid aan ugu talo-galnay in looga wadahadlo inay doorashadu u dhacdo si lagu wada-qanacsan yahay, waxaana muhiim ah in sida la wadda doonayo oo nabad ah ay doorashadu u dhacdo," ayuu shirka ka yiri Cumar Daa’uud.

Musharraxiinta ayaa iyaguna dhankooda hadal ay madasha ka jeediyeen waxay ka dalbadeen UNSOM inay ka shaqeyso sidii uu u qabsoomi lahaa shirka ay yeelanayaan Issimada Puntland kaasoo qorshu uu yahay inuu ka qabsoomo magaalada Qardho.

Sidoo kale, musharraxiinta ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan in guddiga xallinta khilaafaadka uu noqdo mid dhinac raaca xilliga doorashada iyagoo ka digay inay arrintaas dhacdo.

Si kastaba ha noqotee, xilligan waxaa deegaannada Puntland ka socda dadaallo lugu doonayo sidii ay doorshada hoggaanka sare ee maamulka Puntland ugu qabsoomi lahayd si nabdoon oo ay kuwadda qanacsan yihiin musharraxiinta ka qaybgalaya doorashada.

Hiiraan Online, Gaalkacyo