4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
“Fatahaadda webi Shabeelle waa Musiibo Qaran oo ay tahay in lala tacaalo" Sidaa Waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya


Axad, November 03, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon "Saacid" ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax-yeeloobay fatahaada webi Shabeelle ee sida ba'an u saameeyay shacbiga ku nool magaalada Jawhar iyo nawaaxigeeda.

“Dhammaan hay'adaha dowliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo bulshada caalamka waxaan ugu baaqayaa in si banii'aadamnimo ku jirto loogu gurmado shacbiga ku wax-yeelloobay fatahaadaha uu webiga Shabeelle ka geystay magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda," ayuu ra'iisul wasaare ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, kadib markii lagu war-galiyay saameynta fetehaadaha webi Shabeelle uu ka geystay degmada Jowhar iyo hareeraheeda.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in fatahaadaha webi Shabeelle ay dhibaato weyn u geystay shacbiga gobolka Shabeelle Dhexe gaar ahaan degmooyinka uu webigu maro. Waxaana uu sheegay in fatahaaduhu ay saameyn weyn ku yeelatay weyn u saameeyaan beeraleyda iyo dalagga dalka oo dhan.

"Fatahaadda Webi Shabeelle waa musiibo Qaran oo loo baahan yahay in lala tacaalo. Waxay saamaysay dad aad u tiro badan oo ku nool magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda. Waa mushkilad dabiici ah oo soo noq-noqota una baahan in si wadajir ah loo wajaho iyo in la garab-istaago dadka ay saameysay," ayuu mar kale yiri ra'iisul wasaare Saacid.

Maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku warbixiyay in webi Shabeelle uu shalay ku fatahay deegaanka Baarreey oo 11-km dhanka Waqooyi-bari uga beegan degmada Jowhar. Waxaa fatahaaduhu saameeyeen dad gaaraya 11,000 oo qof, sidoo kale wuxuu ku dhuftay 31 tuulo oo ku yaal agagaarka degmada Jowhar.

Waxaa lasoo warinayaa inay ku dhinteen fatahaadahaas 11 qof, iyadoo laga cabsi qabo in khasaarahu bato dhowrka maalmood ee soo socda, hadeysan dadku helin cuno iyo biyo nadiif ah.

Ugu dambeyn, maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku warramaya in degmada Jowhar oo ah xaurnta gobolkaas ay biyaha fatahaaddu xireen saddex ka mid ah afartii jid ama waddo ee soo gali jirtay magaaladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya