3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Waxaan rajeynayaa in shirkan uu horumar iyo Nabad u Horseedo Jubbooyinka oo dhan” (SAWIRRO)


Axad, November 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo furay shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkani uu noqdo mid horumar iyo nabad u horseeda dhammaan shacabka ku nool Jubbooyinka.

Shirkan oo socon doona saddex maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya 15-ergo oo ka socda gobollada Jubbooyinka iyo kuwo ay dowladdu soo xushay, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirro, qaar ka mid ah safiirrada u fadhiya Soomaaliya dalalka calaamka qaarkood, xubno ka socda xafiiska ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya ee UNSOM. Iyadoo halkaas ku soo bandhigeen fannaaniinta iyo barbaarta gaashaaman heesho iyo shiribyo kala duwan.

“Waxaan sharaf ii ah inaan maanta furo shirkii Jubbooyinka oo daba socda shirkii Addis-Ababa, waana shir lah muhiimad gaar ah mar haddii ay halkan ku dhan yihiin waxgaradkii Jubooyinka, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni=dhisidda maamul KMG  ah ee Jubba, kaasoo laba sano shaqeyn doona. Haddii is-fahamka dadka uu kusoo dhamaado intaas in ka yar waxaa loo gudbayaa dhisidda maamul-gobleed ay yeeshaan dadka Jubbooyinka, ka dowlad ahaanna waxan diyaar u nahay inaan samayno wixii tasiilaad ah ee loo baahnaa oo dadka kasoo jeeda Jubbooyinku ay ku gaari lahaayeen is-faham u horseeda nabad kuwada noolaasho,” ayuu yiri ra’iisul wasaare, Saacid oo sidoo kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hir-galinta nidaamka federaaliisimka, heshiiska ay gaaraan dadka Jubbooyinkana uu gogol-dhig u noqon doono dhisida maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo guddoomiye u ah guddiga qaban-qaabada shirka ayaa isagana xusay inuu shirkaan gogol-xaar u yahay shirweynaha ka dhici doono Kismaayo, kaasoo lagu gaari doono xal kama danabys ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada-qaybgalo shirkan, wuxuuna shirkan daba-socdaa shirkii Addis-Ababa, wuxuuna qayb ka yahay tallaabooyinka la rabo in lagu dhammeeyo mad-madowga ku dhex-jira dadka Jubbooyinka dega, waana muhiim in shirkan uu ku billowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arrintaas kaliya ayaa ah midda ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq-noqday ee Jubbooyinka,” ayuu yiri Guuleed.

Dhanka kale, hohgaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe oo dhankiisa hadlay ayaa qiray in loo baahan yahay in gogoshaan ay noqoto mid dadka isugu yimid ay ka kacaan iyagoo midaysan, taasna ay u baahan tahay geesinimo iyo daacadnimo.

“Heshiiskii Addis Ababa wuxuu ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana uga mahadcelinayaa dowladda Itoobiya wasiirkeeda arrimaha dibadda oo si hagar la’aan ah habeen iyo maalin ugu soo jeeday sidii xal loo gaari lahaa, shirkaan maantana waaa mid lagu turxaan bixinayo wixii ka dhimanaa shirkii Addis Ababa ee lagu heshiiyay, waxaa loo baahan yahay geesinimo dheeraad ah inaan la nimaanno, si aan u aadno Kismaayo innagoo midaysan, shirkana waa inaan dib ugu celino guryaheena iyo geedka hoostiisa, haddii aanaan isu muujin tanaasulaadna ma gaarisiin karno dadkeena horumar.

Ugu dambayn, Cabdi Shire Warsame oo ku hadlayay magaca ergooyinka Jubbooyinka qaybtooda ku sugnayd Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskii Addis Ababa ay wada saxiixeen dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyaha maamulka Jubba, heshiiskaasna ay garabkoodu soo dhaweynayaan loona baahan yahay in loo midoobo taabbo-galinta maamul dhamaystiran oo ay yeeshaan dadka Jubbooyinku.

“Xasuustaa xal magaaro, waa murti Soomaaliyeed oo innagu boorinaysa in aan dhanka wanaagsan wax ka eegno oo aan horay uga sii dhaqaaqno halka aan joogno,” ayuu Cabdi Shire hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Shirkan ayaa baaqday dhowr jeer oo hore, inkastoo uu maanta si ramsi ah u furmay, waxaana uu noqonayaa shirkii ugu horreeyay oo dadka kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka loogu qabto Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/3/2013 11:30 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Sabtidii shalay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Kulbiyoow oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

11/3/2013 11:10 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay xilligan ku sugan yihiin xubno ka mid ah murashaxiinta u taagan hoggaanka madaxtinimo ee Puntland ayaa waxay kulan albaabadu u xirnaayeen la qaaten wakiilka UNSOM u qaabilsan Puntland, waxana la sheegay in kulanku uu ahaa mid xog-wareysi ah.

11/3/2013 10:08 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon "Saacid" ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax-yeeloobay fatahaada webi Shabeelle ee sida ba'an u saameeyay shacbiga ku nool magaalada Jawhar iyo nawaaxigeeda.

11/3/2013 7:47 AM EST
Axad, November 03, 2013(HOL) :- Waxaa maanta gelinkii hore si rasmi ah uga furmay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho shirkii dib u heshiisiinta arimaha Jubooyinka, kaasoo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socotay beelaha dega gobolladaasi.

11/3/2013 7:01 AM EST
Axad, November 03, 2013(HOL) :- Qarax xooggan oo la sheegay in uu ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa uu maanta ka dhacay xaafadda farjano gaar ahaan waaxda Siinaay, waxaana qaraxani lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Kismaayo.

11/3/2013 6:22 AM EST
Axad, November 03, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaji ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka kadib safar ay maalmihii ugu danbeeyay ku joogtay magaalada New york ee dalka Mareeykanka.

11/3/2013 4:58 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) —Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi looga hadlayey shakhsiyadda qofka Somaaliga ah, waxyaabaha saameynta ku yeesha iyo weliba dhaqamada ay dadka guuleystaa leeyihiin.

11/3/2013 2:33 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu qabtay Sabtidii shalay dood-cilmiyeed ku saabsan saameynta ay burcadbadeednimadu ku reebtay bulshada Soomaaliyeed.

11/3/2013 2:22 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ee taladda haya ayaa sheegay inuu madaxweynuhu cadeeyey inaanu mid ka mid ah musharaxiinta u tartamaya hogaanka sare ee Xisbiga si gaar ah u taageersanayn, isla markaana aanay cid gaar ah la socon.

11/3/2013 2:09 AM EST
Axad, November 03, 2013 (HOL) — Shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo inta badan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa uu ku sugan yihiin Muqdisho.