4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho iyo Qudbado laga soo jeediyay Madasha Shirka
photo (1).jpg
Axad, November 03, 2013(HOL) :- Waxaa maanta gelinkii hore si rasmi ah uga furmay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho shirkii dib u heshiisiinta arimaha Jubooyinka, kaasoo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socotay beelaha dega gobolladaasi.

Shirka ayaa waxa qudbadii ugu horeeysay ku furay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna ergada ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay is fahan ugu dhameyn lahaayeen khilaafaadka dhexdooda yaal islamarkaana ay xal waara uga gaari lahaayeen.

Intaa kadib ayaa waxa goobta qudbado kala duwan ka jeediyay ergadii labada dhinac, waxaana qudbadahani ay u badnaayeen kuwo ay ku muujinayeen dhinacyada sida ay uga go’antahay in xal laga gaaro arinta Jubooyinka.

photo (2).jpg

Hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya gogosha ay u fudisay beelaha dega Jubooyinka, wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay in wadahadal lagu dhameeyo wax walba oo ay kala tabanayaan beelaha walaalaha ah ee wada dega gobollada Jubooyinka.

Gabagabadii shirka waxaa qudbad dheer kusoo xiray ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wuxuuna kula dardaarmay labada dhinac in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanadooda, wuxuuna sidoo kale ku dhiirigeliyay in ay ka mirodhaliyaan wadahadalladooda.

Shirkan oo socon doona mudo sedex maalmood ah ayaa la filayaa in dhinacyada ku wada hadlaya ay heshiis uga gaaraan dhamaan khilaafaadyadii u dhexeeyay, waxaan wejiga labaad ee shirka la filayaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 photo.jpg
photo (3).jpg

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya