4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay waxyaalaha uga soo Qabsoomay Safarkeedii Dalka Mareykanka

Axad, November 03, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaji ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka. kadib safar ay maalmihii ugu danbeeyay ku joogtay magaalada New york ee dalka Mareeykanka.

Marwo Fowsiyo ayaa markii ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana intaasi kadib ay ka warbixisay waxyaalaha uga soo qabsoomay safarkeedii Mareeykanka.

Waxa ay sheegtay in shirkii ka dhacay magaalada New york ee ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka islamarkaana looga hadlayay horumainta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ay kasoo baxeen waxyaalo muhiim u ah Soomaaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda ayaa sheegtay in mudadii ay ku sugnayd dalka Mareeykanka ay kulamo kala duwan la qaadatay madax ka kala socotay xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka, kuwaasoo ay sheegtay in ay kala hadashay sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana loo kordhin lahaa weerarrada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii Shir ay isugu yimaadeen xubnaha joogtada ee Qaramada Midoobay islamarkaana ka dhacay magaalada New yor ayaa diirada lagu saaray taageeridda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM iyo weliba sidii loo kordhin lahaa tirade ciidamada AMISOM ka jooga Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya