4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Jaamacadda Muqdisho Qaybteeda Boosaaso oo Aqoon-isweydaarsi Maanta u Qabatay boqollaal Ardaydeeda ka mid ah (SAWIRRO)

Axad, November 03, 2013 (HOL) —Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi looga hadlayey shakhsiyadda qofka Somaaliga ah, waxyaabaha saameynta ku yeesha iyo weliba dhaqamada ay dadka guuleystaa leeyihiin.

Aqoon isweydaarsigan oo soconayey muddo labo maalmood ah, waxaa ka qayb qaatay ardayda, macallimiinta iyo maamulka jaamacadda, waxaana casharro badan oo la xiriira horumarinta shakhsiyadda qofka Soomaaliga, sifooyinka ay dadka guul dareystaa leeyihiin iyo weliba waxyaabaha ay lagama maarnka tahay in qofka laga helo, si uu noloshiisa u horumariyo ka jeediyey Prof. Mustafe C/laahi Cali (Dheeg), oo ah maamulaha machadka cilmi baarista ee Soomaaliya kana tirsan barayaasha Jaamacadda Muqdisho wax ka dhiga.

Prof.  Aadan Axmed Xuseen Xerow oo ah hormuudka Jaamacadda Muqdisho qaybteeda magaalada Boosaaso, oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey aqoon isweydaarsigan , muddada uu socdey iyo weliba waxyaabaha sida gaarka ah loogu eegay.

Wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in la darso sababaha keena fashilka iyo weliba in dadku ay noqdaan kuwo jecel in wax la qabto haseyeeshee iyagu aysan waxqabad muujin, arintaasoo uu Prof. Xerow tilmaamay in ay qayb ka tahay waxyaabaha bulshada Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka.



Prof. Mustafe C/laahi Cali (Dheeg), oo isagu siminaarkan bixinayey ayaa ka qayb gelayaasha aqoon isweydaarsiga -oo ardayda jaamacadda wax ka barta u badnaa- wuxuu siiyey macluumaad badan oo la xiriira: sida loo maareeyo waqtiga, sida uu qofku ku noqon karo qof isku filan oo aan cid kale ku tiirsaneyn, iyo weliba saameynta ay caqiidada islaamiga ah, qabyaaladda iyo wadaniyaddu ku yeeshaan howlkarnimada qofka Soomaaliga ah iyo weliba habka uu u fekero.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo kamid ah isimada sida weyn looga tix geliyo Puntland sidoo kalena qayb ka ahaa ardayda Jaamacadda Muqdisho ee maanta aqoon isweydaarsigu usoo gaba gaboobey, ayaa si weyn ugu mahad celiyey maamulka jaamacadda iyo weliba aqoonyahanka casharrada bixinayey, isagoo dhinaca kale sheegay in ay ka faa'iideen macluumaad badan oo la xiriiria sidii ay noloshooda ku horumarin lahaayeen.

Aqoon isweydaarsigan ayaa qayb ka ahaa siminnaaro joogto ah oo Jaamacadda Muqdisho  ay sanad walba ardeyda wax ka barta u qabato, si kor loogu qaado garaadka ardayda islamarkaana looga dhigo kuwo awood uleh in ay darsaan dhibaatooyinka bulshada Soomaaliyeed ka dhex jira.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland