4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Dood-Cilmiyeed ku Saabsanaa Saameynta ay Burcadbadeeddu ku yeelatay Bulshada oo lagu Qabtay Gaalkacyo (SAWIRRO)


Axad, November 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu qabtay Sabtidii shalay dood-cilmiyeed ku saabsan saameynta ay burcadbadeednimadu ku reebtay bulshada Soomaaliyeed.

Dooddan oo uu soo qabanqaabiyay ururka SAPIC oo ka shaqeeya ka hor-tagga falalka lahaa burcadbadeednimada ayaa waxaa ka qaybgalay bulshada iyo madaxda maamul-gobaleedka Galmudug.

Inta badan doodad ayaa ahayd mid looga hadlay dhibaatada iyo saamaynta ay bulshadu ku yeesheen falaalka burcad-badeedda ah iyo dhibaatadii dhaqaale ee ay bulshadu u keeneen.

Guddoomiyaha ururka SAPIC, Xasan Macallin Cabdullaahi ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqabadka ururkooda iyo goobaha uu ka howlgalo, isagoo xusay inay xafiisyo ku leeyihiin gobollo badan oo dalka ku yaalla iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha ururuka haweenka Gal-mudug, Maymuun Cali Nuur ayaa sheegtay in dhibaatada ugu badan ay soo gaartay haweenka kaddib markii dhal-dhalaal lacageed oo aan meesha oolin la tusay dumarkii dayarta ah.

Wasiir ku-xigeenka kalluumaysiga iyo dekedaha Galmudug, Cabdirisaaq Maxmuud Axmed ayaa sheegay in dhibaato ay ku hayeen dhallinyarada burcad-badeedda.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, C/samad Nuur Guuleed oo gunaanadkii doodad ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyada ka mid ahaa kooxaha burcad-badeedda ay dhibaato ku ahaayeen deegaannada Galmudug, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhallinyaradii go’aansaday inay falalkaas ka haraan loo abuurayo xifado shaqo.

“Sababta ugu weyn ee dhallinyaradeennu ay burcadbadeedda ku noqdaan waa shaqo la’aan, gaar ahaan kuwa xeebaha degen, mana aysan helin wax xirfado shaqo ah oo loo sameeyay,” ayuu hadalkiisa daray madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn, C/samad Nuur wuxuu baaq u diray dhammaan hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada in kaalin weyn ay ka qaataan sidii loo hormarin lahaa loona siin lahaa qalab ay ku abuurtaan shaqo dhallinyarada go’aansaday inay ka baxaan falalkii burcadbadeednimada.

Doodda oo lagu qabtay hoteelka International ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 75-haween ah oo qaarkood ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay burcadbadeeddu ku reebeen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya