4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inuu tallaabo ka qaadayo Wasiirada ku lugta lahaa kala-jabka Xisbiga KULMIYE


Axad, November 03, 2013 (HOL) — Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ee taladda haya ayaa sheegay inuu madaxweynuhu cadeeyey inaanu mid ka mid ah musharaxiinta u tartamaya hogaanka sare ee Xisbiga si gaar ah u taageersanayn, isla markaana aanay cid gaar ah la socon.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf oo war-murtiyeed uu kasoo saaray kulan ay wada-yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo hoghaanka sare ee xisbiga oo uu hoggaaminayey guddoomiye Muuse Biixi ay kawada hadleen khilaafka ay labadda garab u kala jabeen guddigii qaban-qaabadda shirweynaha saddexaad ee xisbiga.

“Kulan ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota”ayaa lagu yidh war-saxaafadeedkaasi.

Kulanka waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, afarta guddoomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada.

Sida war-saxaafadeedkaasi ku sheegeen Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la isku afgartay qodobadan hoos ku qoran;

1. Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.

2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.

3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4. Waxaa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka dhashay kala jabka guddidii qabanqaabada shirweynaha kulmiye ayaa si weyn looga dareemayey bulshada dhexdeedda, isla  markaana maalmihii u dambeeyey loogu hadalhaynta  badnaa, taasina waxay keentay in boqolaal dadweyni soo buux dhaafiyaan xarunta xisbiga KULMIYE si ay ula socdaan sida hawluhu u socdaan iyo halka uu khilaafkaasi ku dambeyn doono.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland