4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2013
Shirkii dib u Heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo saaka lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia

Axad, November 03, 2013 (HOL) — Shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo inta badan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa uu ku sugan yihiin Muqdisho.

Hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro Muqdisho, waxaana sababtii ugu weynayd ee shalay uu shirkan dib ugu dhacay ayaa lagu sheegay maqnaashaha Sheekh Axmed Madoobe.

Shirka ayaa looga hadli doonaa sidii loo dajin lahaa hannaan shaqo oo uu ku shaqeyn lahaa maamulka KMG ah ee Jubba oo dhismihiisa lagu dhaemystiri doono shirkan iyo inay markii ugu horreysay kulan noocan ah isku arkaan dhammaan bulshada ku nool Jubbooyinka.

Waxaa lagu wadaa in shirkan uu furo ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) , iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan wufuud caalami ah oo ka socota dalalka saaxiiibka la ah Soomaaliya iyo kuwo ka socda dalalka dariska ah.

Shirkan ayaa dhowr jeer dib u dhacay, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in la qabto kaddib markii madaxweynuhu uu safar laba casho ah ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda iyo qaybaha bulshada ee magaaladaas ku nool.

Waxgaradka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa kaga hadli doona shirkan sidii ay u heli lahaayeen hannaan wanaagsan oo ay uga wada-shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarinta gobollada Jubbooyinka.

Inkastoo aan si dhab ah loo hubin haddana waxaa jira warar sheegaya inuu shirkan kasoo qaybgalayo Col. Barre Hiiraale iyo xubno ay saaxiibbo ahaayeen oo maamulka Sheekh Axmed Madooboe bartamihii sannadkan kula dagaalamay magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya